Gabar dhallinyaro ah oo Guddoomiye ka Noqotay Magaalo ku Taalla Waqooyiga Waddanka Nigeria
Sabti, September 24, 2016 (HOL) —
Gabar 25-sano jir ah, ayaa noqotay Madaxa Maamul Muxalli ah oo Fadhigiisu yahay
Gobol Muslimiintu u badan yihiin oo ku yaalla Woqooyiga Dalka Nigeria.
Haweeneydan oo lagu
magacaabo, Hindatu Umar ayaa noqonaysa Gabadhiii u horreysay, isla markaana
ugu da'da yar oo xil ka qabta Magaalada Argungu oo k tirsan Gobolka Kebbi.
Sidoo kale, Hindatu ayaa
noqonaysa Hoggaamiyihii ugu horreeyay oo aan weli Guursan oo magaladaas maamusha.
Wariyaha BBC-da ee Nigeria Cabdullaahi Kaura ayaa sheegaya in magacaabida
gabadhaan xilkaas loo magacaabay uu yahay mid la yaab leh.
Bulshada deegaanka qaarkood
ayaa durbaba arrintaa cabasho ka muujiyay, iyagoo BBC-da u sheegeen in
haweeneydan aysan la hayn khibrad iyo karti hoggaamineed oo ku filan oo ay ku maamusho magaaladooda.
Gabadhaan, ayaa horay u ahayd Guddoomiye ku xigeen, Waxaana loo Dallacsiiyay Hadda jagada guddoomiyaha, kaddib
markii mas'uulikii xilkaa hayay uu wakhtigiisii dhamaaday.
Dhanka kale, Sida uu
sheegaya wariyaha BBC-da ee Nigeria, Dumarka Woqooyiga Nigeria ku nool aysan
inta badan ahayn kuwo xilalka maamulka Gobolka ay Muslimiinta
ku badan yihiin loo dhiibo.
Ugu dambeyn, Magaalada Argungu
ayaa ah midda ugu weyn, isla markaana ugu qadiimisan Woqooyiga Waddanka Nigeria, waxayna
caan ku tahay Xafladda Kalluumeysiga oo sanadle ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya