10/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2016
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka Warbixiyay Dagaal beeleed ka dhacay Degmada Ceel-Afweyn
Jimco, September 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa sheegay in siddeed ruux ay ku Geeriyoodeen, 15 ruux oo kalena ay ku Dhawaacmeen dagaal laba beelood oo wadda degga degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in gurmadkii loogu jiray joojinta dagaalkaasi uu ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidanka Mlitariga iyo askari boolis ah oo ku dhaawacmay.

Waxa kale oo iyaguna rasaas ku dhacday gaadhigii Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay waxaanay  saniftay mid kamid ah ilaaladiisa oo dhaawac fudud ka soo gaadhay.

Badhasaabka Gobolka oo khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaaan joogaa Dararweyne oo ah goobta dagaalku ka dhacay, waxaanu ka dhacay laba goobood oo degmadda Ceel af weyn hoos tagta, waxaana dagaalkiii u horeeyey ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex nin  iyo haweenay umal ahayd, goobta kale waxa ku geeriyooday toddoba qof, waxayna isku noqonaysa sideed qof inay ku dhinteen dagaaladasi, intii aanu hawshaasi ku jiraynay xagga ciidanka Militariga waxa nagaga dhintay hal askari”.

“Way jiraan in rasaas ku dhacday gaadhigayga, waxba ilaahay naguma yeelin mid ka mid ah ilaaladayda ayey yara saniftay marka dhaawac lagu sheegi karo way fudud tahay”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sanaag oo sheegay inay dhex galeen labaddii beelood ee dirirayey.

Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa sheegay in ciddii nabadda ka hor timaadda awood dawladeed u adeegsan doono, isla markaana hadda ay ku dhex jiraan labaddii beelood ee dirirtu ku dhex martay.

Dhinaca kale, Wasiiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Farotoon ayaa sheegay in ciidanka Somaliland usoo gurmadeen labadda beelood ee ku dagaalamaya koonfurta Sanaag.

Wasiir Farotoon oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi labadda beelood ee walaalaha ah ku dhexmaray ay sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac, wallow aanu carab dhabin tiradda rasmiga ah ee waxyeeladdu ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in laba askari oo ciidanka qaranka iyo Booliska iskugu jiray ku geeriyoodeen gurmadii ay ugu jireen joojinta dagaalkaasi.

Wasiiir Farotoon oo ka warbixinaya dagaalkaasi waxa uu yidhi “ Dagaalkaasi wuu dhacay dad badanna way ku dhaawac may, dad badana way ku dhinteen, dawlada oo dhana way ka qaybqaadatay joojinta dagaalkaasi,ciidamaddii dawladda oo dhan waa la dhaqaajiyey haday noqon lahayd ciidanka Booliska iyo Militarigaba, meelihii dagaaladdu ka dhaceen gacanta lagu hayaa, meelo kale oo woxogaa xiisad kale ka jirta oo la leeyahay wax way ka dhici karaan way jirtaa, ciidanka qaranka khasaare ayaa ka soo gaadhay oo nin sarkaal ah wuu ku dhintay, nin boolis ahina wuu ku dhaawacmay”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland