Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u soo kordhisay Macaamiisheeda Adeeg Cusub oo Faa’iido leh
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) —
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa Adeeg Cusub oo casri ah soo kordhisay, kaasoo oo
loogu magac-daray DHAMBAAL, Wuxuuna u Suuro-gelinaya Macaamiisha Shirkadda inay
isku diraan farriimo maqal ah.
Adeeggan oo ah mid Caalamka
oo dhan laga isticmaalo, ayay Shirkadda Hormuud Telecom ugu talo-gashay inay ka
faa’iideystaan Dhammaan Macaamiisheeda.
FAA’IIDOOYINKA ADEEGGA
DHAMBAAL;
Adeegan ayaa waxaa
isticmaali kara Macmiil kasta oo haysta SIM Card-ka Hormuud waxa uu farriin Cod
ah udiri karaa Dhamaan Asxaabtiisa kale ee isticmaasha Hormuud SIM Card.
Adeeggan Casriga ah ee
DHAMBAAL ayaa waxaa ka faa’iideysan kara dhamaan qeybaha kala duwan ee
Bulshada, waxaana sidoo kale isticmaali kara Dadka Aragga la’, Waayeelka, dadka
ay ku adagtahay in ay wax qoraan & Dadka raba in ay isu diraan farriin codeed.
HABKA ISTICMAALKA ADEEGGAN
DHAMBAAL;
Sidoo kale, Adeeggaan Furashadiisa 1-aad
waa bilaash, Dhammaan macaamiishuna waxay isticmaali karaan iyaga oo aan marin
isdiiwaan gelin.
QAABKA isticmaalka - ayaa ah
markii aad rabto in aad farriin codeed gaarsiiso saaxiibkaa waxaad garaaceysaa
133 Adigoo raacinaya Lambarka aad u direyso Farriinta, Tusaale ahan: 13361XXXXX. Sidoo
kale farriimaha laguu soo diray waxaad si fudud uga dhegeysanaysaa adigoo
wacaya lambarka 134.
Ugu dambeyntii, Shirkadda
Hormuud Telecom oo ah Isgaarsiinta ugu ballaaran Dalka ayaa mar walba Waxay ku Dadaashaa in ay soo kordhiso Adeegyo Casri ah, Waxayna Xilli hore hirgelisay
adeegyo badan oo ay ka mid yihiin: Adeegga 4G MiFi internet, ADSL, WADSL, EVC
Plus, Dalmar International Roaming & adeegyo kale oo dheeraad ah sida:
Ilawadaag, Nasiye, Aqoon-maal iyo Voice Mail.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya