Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ku wajahan Degmada Jowhar ee Sh. Dhexe
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) —
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta ku wajahan degmada Jowhar ee
gobolka Shabeellada Dhexe, si uu boorka uga jafo dhisaha maamulka Hiiraan iyo
Shabeellada Dhexe oo dhawaanahan hakad ku jiray, isla markaana ay kasoo
horjeesteen duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan qaarkood.
War-murtiyeedkii shalay
kasoo baxay shir-madaxeedkii IGAD ayaa waxaa looga dalbaday dowladda Somalia
inay sida ugu dhaqsiyo badan ku dhameystirto maamulka loo sameynayo gobollada
Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Degmada Jowhar ayaa waxaa ka
socda diyaar-garow loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa wafdi uu hoggaaminayo
Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo sidoo kalena la adkeeyay ammaanka guud ee
Magaaladaas.
Sidoo kale, xubno ka socda
IGAD iyo Dowladda Somalia ayaa kuammo xoojin ah la lahaa dhawaanahan odayaasha
dhaqanka ee haatan ku sugan Jowhar, si u riixaan dhameystirka dhismaha maamulka
labada gobol loo sameynayo.
Wararka ayaa waxay
sheegayaan in Dowladda Somalia ay doonayso in sameynta maamulka labadan gobol
lasoo gaba-gabeeyo horraanta bisha soo socota ee labada gobol, kaasoo muddo sannad
ku dhaw kusoo dhex-jiray khilaaf siyaasadeed.
Ugu dambeyn, lama oga
qorshaha dhismaha maamulkan sida uu ku dhamaan karo iyadoo weli ay duubabka
dhaqanka gobolka Hiiraan intooda badan ay go’aan adag ka qaateen dhismaha maamulka
labada gobol.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya