Xukuumadda Somaliland oo Maanta Wareejisay Kharashkii uga Aadanaa Doorashada (SAWIRO)
Sabti, Oktoobar 22, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku wareejisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka lacagtii doorashooyinka qaybtii xukuumad ahaan lagu lahaa inay bixiso.
Xarunta madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen guddida Doorashada Somaliland ayaa qaybtii laga sugayey inay xukuumaddu bixiso oo dhamayd 4-milyan oo Doollar, Waxaana lacagtaasi kala wareegay guddida doorashooyinka oo uu Hoggaaminayey Guddoomiyaha gudidaasi Cabdiqaadir Iimaan.
Xukuuumadda Somaliland horaya ayay u ballan-qaaday inay bixinayso Kharashaadka ay hay’adaha bixiya qaaraan bixiyeyaasha ka gaabiyaan inay bixiyaan, waxaanay sheegeen inay afar Milyan oo dollar oo ah kharashaadka ku bixi doonna doorashooyinka soo socda.
”Sidaad la socotaan doorashadii Madaxweynaha oo dhacaysa 28-ka March 2017-ka, ee uu madaxweynuhu amar ku bixiyey in aanay maalin dib uga dhicin, komishankii oo nala jooga oo walaac yar ka qabay inay lacagtaasi dhakhso ugu timaado ama ay hay’adihii bixin lahaa ay runtii waxyaabo badan uu dib u dhac ku yimid ayey dawladdu goosatay inay afartii milyan ee ay ku balanqadeen ay maanta ugu shubaan account-ka komishanka, haddii marka ay soo noqdaan ay yidhaahdaan hay’adihii waxba way bixin waayeen inay dawladu masuuliyadaa qaado waayo masuuliyada in doorasho la qabtaa dawlada ayey saaran tahay, way yara kaalmaynayeen hay’aduhu, haddii laakiinse ay dib u dhac ku ridayaan ma ogolaanayno, madaxweynuhuna wuu cadeeyey amarna wuxu ku bixiyey in aanay maalina dib uga dhicin. Markaa sidaa aawadeed annagoo fulinayna awaamiirtii madaxweynaha ayaanu afartii milyan ee Doollar maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka October 2016-ka ku wareejinaynaa komishanka doorashooyinka”ayey tidhi wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Komishanka Qaranka, C/qaadir Iimaan Warsame oo isagana kharashaadkaas ka gudoomay xukuumadda ayaa u mahad naqay lacagtaasi lagu soo wareejiyey.
“Maanta oo Sabti ah Taariikhduna ku began tahay 22-ka October 2016, waxaa komishanka Doorashooyinka qaranku halkan ku cadaynayaan inuu ka helay dawlada ama ka gudoomay jeegdhan 4-Milyan oo Doollar, taasoo qayb ka ah Dhameystirka Diiwaan-gelintii aynu soo dhamaystirnay oo ay ka mid tahay Daabacaadda Kaadhadhkii, Qaybintoodii iyo diyaar-garowga doorashada soo socota ee madaxweynaha, waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa dhamaantood intiii ka qaybqaadatay diwaangelintii aanu soo dhamaystirnay oo ay ka mid yihiin idinkan na hortaagan ee saxaafada ahi. Waxa aanu u mahadnaqaynaa dawlada Somaliland ama xukuumaddaba ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo marwalba oo aanu u baahano intii aanu shaqadan haynay diyaar noola ahaa wixii aanu uga baahano.”ayuu yidhi guddoomiyaha guddida doorashooyinka C/qaadir Iimaan.
Wuxuu intaas ku daray “Marka aan taa intaa ku dhaafo waxa aan idinku wargelinayaa ama idinla socodsiinaynaa in komishanka doorashooyinka qaranka xubno ka mid ahi ay beri u safri doonaan waddanka dibediisa halkaas oo ay kula kulmi doonnaan qaadhaan bixiyeyaasha ka caawiya dawlada ama dhanka Somaliland doorashooyinka, kaasoo aanu ku lafaguri doono kalana xaajoon doono qaybtay ka qaadan doonaan doorashada soo socota ee madaxweynaha, taasoo aynu rajaynayno inay qabsoonto 28-March-2017”.
Intaas ka dib Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " 25-kii bisha Augost 2016-ka waxaa xarunta gudiga doorashooyinka ka qabsoomay shir saddex geesood ah ama afar geesood, gudiga komishanka qaranka oo ah hay'adda u qaabilsan maamulka iyo isku duba ridka doorashooyinka oo ah hay’ad Farsamo, Garsoor waxaa kale oo goobtaa joogay deeq bixiyayaasha oo laba qeybood ahaa, qeyb Nairobi kaga jirtay wada hadalka oo aanu isu arkaynay maqal iyo muuqaal iyo qeyb nala joogtay shirka. Waxa kaloo shirkaa joogay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran iyo cid ku wehelisay xisbiyadooda”
Isagoo intaas ku daray, “Shirkaas waxaa Guddiga Doorashooyinka Qaranku kusoo bandhigeen miisaaniyad lagu qabyo tirayo diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha laga bilaabo bisha September ilaa iyo 28-ka March oo laba qeybood isugu jirta dhamaystirka diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay ka mid tahay kaadhadh bixintii daabacadii iwm, iyo doorashada lafteedii qabashadeedii kharashkaas bay soo bandhigeen Lacag balaadhan bay ahayd lacagtaasi oo ay si fiican usoo hufeen oo khubaro ka caawisay, kharashka markii lannoo soo bandhigay waxa aanu golihii kaga hadalnay annagu Xukuumadd ahaan diwaangelintii in aanu kharash badan bixinay oo dedaalnay, taasoo ay sabab u tahay danaynta aanu danaynay in doorashadu iyo diiwangelintu qabsoomaan.”
Sidoo kale, Xukuumaddu waxay xustay in haddii dalalkii ka caawin jiray doorashooyinku la habsaamaan kharashkii ay ku bixin jireen doorashadda, ay xukuumad ahaan waajib ku tahay inay bixiyaan si aanay doorashaddu dib uga dhicin wakhkigii loo qorsheeyey.
Si kastaba ha ahaate, Beesha Caalamka ee Dhaqaalaha ku Taageeri jiray Doorashooyinka Somaliland ay si cad u diideen in doorashada la kala qaaado, isla markaana soo jeediyeen in doorashadda madaxtooyada iyo baarlamaanka hal mar la wada qabto, taasina waxay keentay inay aanay illaa hadda bixin kharashkii ay bixin jireen maadaama oo doorashaddii sidii la rabay u dhaceen oo aan la is raacineen.
Guddida doorashooyinka ayaa maalinta Barri u dhoofi doonna dalka Kenya si ay ugala soo hadlaan in kharashkii Beesha Caalamka ku bixin jireen Doorashooyinka loo baahan yahay, haseyeeshee illaa hadda lama hubo inay kharashkaasi bixin doonto iyo in kale.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland