4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Badhasaabka Togdheer: Tallaabo ayaan ka Qaadi doonaa Dhallinyarada Dadka Baarta Habeenkii
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay inay baryahan dambe kusoo badanayaan dhallinyaro habeenkii jidadka dadka ku baadha isla markaanka shacabku ka cawdaan.

Barasaabka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doonno kooxo dhalinyaro hubaysan oo khal-khal ku riday amaanka magaaladda Burco, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka reer Burco ee jidadka maraya.

Badhasaabka, ayaa sheegay in haddii ay waalidku wax ka qaban waayaan dhalinyartaas in loo gudbin doonno guddida nabadgalyadda iyo hay’adaha amaanka oo uu xusay inay talaabo adag ka qaadan doonaan.

Kooxahan dhalinyarada shuftadda ah  oo  mudooyinkan  danbe ku soo kordhay magaaladda Burco ayaa la sheegay inay xaafadaha Magaaladaas ka gaystaan falal budhcadnimo ah, iyadoo baadhasho iyo dhibaatooyin kaleba u gaystaan dadweynaha.

Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa kulan la yeeshay hay’adaha ammaanka, isla markaana sheegay in gudidda nabadgalyaddu xukumi doonto dhalinyaradda rabshaddo ka gaysta magaaladda.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdher,   guddoomiyaha  maxkamadda racfaanka ee gobolka Togdheer,  taliyeyaasha saldhigyadda booliska ee magaaladda Burco.

“Waxaa laga rabaa waalidiinta in ay ogaadaan meesha ay ka soo toosaan ubadkoodu,  waxaananu uga digaynaa waalidka iyo caruurtoodaasi, tallaabo ayay dawladu ka qaadi doontaa,  gobol ahaan, ka gudi nabad-geliyo ahaan, iyo ka maamul ahaan”ayuu yidhi gudoomiye Qabo.

Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu sheegay inay qaadayaan tallaabooyin lagu xakamaynayo dhalinyaraddan shuftadda ah. “Waxaanu qaadi doonaa tallaabo, tallaabadaasina  ka farxin mayso in badan oo waalidiin ah. Waxaanu halkan u marinaynaa waalidka ilmahiisa hayn waaya,  waa loo haynayaa, oo dawladda ayaa u haynaysa. Haddii  aad waalidoow haysan waydeen ilmihiinii, annaga ayaa idiin haynayna. Waxaanu idiinku haynaynaa in aanu tarbiyadiisii hore dib ugu soo celino, in aanu naas-nuujintiisii dib ugu soo celino. Waxaanu u haynaynaa in aanu dhibin dadka dariiqyadda maraya, oo aanu noqon qaadicul-dariiq”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, mar uu faahfaahino dheeraad ah ka bixinayay kooxahan dhalinyaradda ah iyo falalka ay gaystaan, wuxuu yii. “Waxaa beryahan magaalada Burco ka dhaca, oo aan hore uga dhici jirin,  in dhalinyaro aad u yar yar oo  20 jirro ah, oo waxbarta oo arday ah,  inta ay Goyaal dhigtaan dariiqyada magaaladda, in qof kastoo soo mara dariiqaasi ay ku yidhaahdaan  2000 Shilling ku rid, oo ay dadka baad ka ururiyaan.Mid wadaad ah,  mid waayeel ah, hooyooyinka iyo hablaheenii, inay yiraahdaan 2000 shilling ku rid hadddii kale halkaas dhaafi maysid, iyadoo ay dhacdo in qof saacadda uu xiran yahay laga furto ama wixii la doonno lagu sameeyo”.

Dhallinyaradan habeenkii dadka baadhaysa oo sidoo kale ku soo badanaya caasimadda Hargeysa ayaa haddii wax laga qaban doono halis amni daro ku abuuri karta, waxaanay keenta in dadweynuhu habeenkiii ka baqdaan dhalinyaradaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland