4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Prof. Galeydh oo ku Hanjbay inay ka baxayaan Wadahadallada ay kula jiraan Somaliland


Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa sheegay inay ka baxayaan wadahadalka ay kula jiraan Somaliland, haddii aysan joojin fara-gelin iyo kala qaybin uu sheegay inay ka dhex-wadaan shacabka Khaatumo.

Prof. Cali Khaliif Galeydh, ayaa sidoo kale, sheegay inuusan diyaar u ahayn in uu Somaliland ka biro, wuxuuna beeniyay warar sheegaya inuu maamulka Somaliland ku biirayo.

“Anigu ma doonayo inaan maamulkaas ku biro, ma rabo inaan xil ka Qabto, balse waxaan ka digayaa fara-gelinta ay kuhayaan siyaasaddeena iyo dadka maamulka Khaatumo ku Ab-tirsada oo ay kala qaybinayaan,” ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galeydh.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegay inuu iska diiday inuu ka qayb-galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qaybinayo dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maamulkiisa ku Ab-tidsada.

Dhanka kale, Hadalka Prof. Galeydh ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ku heshiiyeen maamullada Khaatumo iyo Somaliland inay wadahadallo dhanka amniga ah yeeshaan si ay heshiis u gaaraan.

Ugu dambeyn, Wadahadallada ay ku ballan-san yihiin Somalland iyo weliba Khaatumo ayaa waxaa horay uga hor-yimid waxgaradka gobollaad Sanaag, Sool iyo Cayn, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan loo dhameyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya