4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
DUQA MUQDISHO: Waa Muhiim in la Furo Gabi ahaan Waddooyinka lagu Xirtay Dhagaxaanta


Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray in la furo waddooyinka lagu xirtay dhagaxaanta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin xirnaanshaha qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, isagoo ugu baaqay cid kasta oo ay waddo u xiran tahay inay furto.

“Runtii waa mid dhibaato weyn leh in cid walba ay dhagax ku xirato jidadka waaweyn ee Muqdisho. Dhagax walba ma ceinayo Amni ma sugo, waxaana rabaa in la qaado dhammaan waddooyinka dhagxaanta lagu xiray,” ayuu ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in caasimaddu ay ciriiri gashay, kaddib markii ay soo kordheen waddooyinka dagaxaanta iyo carrada lagu xiranayo, isla markaana gaadiidka qaar ay mari la’yihiin.

Dhanaka kale, Shacabka ku nool Muqdisho ayaa dhawaanahan si weyn uga cabanayay waddooyinka xiran, iyadoo dhawr jeer laga dalbady hay’adaha ay u xiran yihiin waddooyinka qaar inay furaan waddooyinka, balse weli laguma guuleysan.

Ugu dambeyn, Duqii hore ee Muqdisho, Muun-gaab ayaa horay isugu dayay inuu waddooyinka xiran furo, taasoo muran siyaasadeed xooggan dhalisay, lamana oga sida uu ku fuli doono amarka cusub ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho uu soo saaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya