4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Sanad Guuraadii 3aad ee Matxafka Dhaqanka Soomaalida ee Minnesota oo loo Dabbaal Dagay



Axad, Oktobar 02, 2016 (HOL)-Waxay xalay loo dabbaal dagay sannad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay matxafka dhaqanka Soomaalida ee Minnesota.

Munaasabad gaar ah oo loogu talagalay xuskan ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo iyo bandhigyo la xidhiidha dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Waxaa kasoo qeyb galay fannaaniin caan ah oo Soomaaliyeed.

Waxaa fannaaniintaa ku jiray Axmed Cali Cigaal iyo Hibo Nuura iyo kuwo kale oo badan oo xiddigo ah. 

Guddoomiyaha matxafka ahna qofkii aasaaskiisa lahaa Cismaan Maxamed Cali Gurey ayaa saxaafada uga waramay sidii xafladaa loo soo agaasimay, ciyaarihii iyo sugaantii lagu soo bandhigay iyo mustaqbalka hanka maamulka matxafku damacsan yahay inuu gaarsiiyo matxafka.

Sanad walba, sanad guurada ayaa loo dabbaal dagaa hadba intii kasoo wareegta laga soo bilaabo markii la aasaasay matxafkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]