5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2016
Ciidammada booliiska Uganda oo xabsiga dhigay Boqorka Rwenzururu

Axad, November, 27, 2016 (HOL)  - Wararka ka imanaya dalka Uganda, ayaa sheegaya in ciidammada booliiska galbeedka dalka xabsiga u taxaabeen boqor Rwenzururu, kaddib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 56 ruux oo dhaxmaray ciidammada Uganda iyo maleeshiyaad la sheegay in u daacad ahaayeen boqorka.

Charles Wesley Mumbere ayeey ku eedeysay dowladda in uu ka danbeeyay weerar koox maleeshiyaad ah ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yeella deegaan lagu magacaabo Kasese, waxaa ay intaa kaddib ciidamada weerar ku qaadeen qasriga boqorka oo ay sheegeen in ay ku dhuumaaleysanayeen qaar ka mid ah maleeshiyada.

Maleeshiyaadka ayaa lagu eedeeyay in ay wadaan kacdoon ka dhan ah midnimada Uganda, iyaga oo doonaya in ay ka go'aan dalka intiisa kale,

“Maleeshiyaadka waxa ay ka sameysteen xeryo buuraha Rwenzori ku yaal halkaas oo ay tababaro ku qaadanayeen si ay u soo weeraraan xarumaha dowlada”ayuu yiri  Shaban Bantariza.

Ugu danbeyntiim afhayeenka ayaa shegay  in dadka soo weeraray saldhiga booliska ay ahaayeen dad u dagaalamaya in ay abuuraan dowlad cusub oo ka madax banaan Uganda gaar ahaan xadka ay la leeyihiin dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya