5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2016
Akhriso magacyada xildhibaanadii maanta ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka dhacda Jowhar

Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Doorashada xubnaha aqalka hoose oo wali ka socta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaanno aan horay ugu tirsaneyn baarlamaanka,iyadoo laga guuleystay mudanayaal hore.

Xildhibaan Cali Nuur Xusseen Boodaaye oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee baarlamaanka ayaa doorasho labo wareeg dhacday waxaa looga guuleystay xubinnimada baarlamaanka cusub kaddib markii musharixii ay ku soo wadda hareen wareega labaad uu hellay codad gaaraya 28 cod.

Doorashada oo aheyd mid aad u adag ayaa waxaa ku tartamay xildhibaan Cali Nuur Xusseen Boodaaye, C/risaaq Axmed Max'ed [C/risaaq Dheere] iyo Max'ed Aadan Geedi oo ku haray wareegii hore ee doorashada kaddib markii uu hellay 6 cod.

Hasse ahaatee wareegii labaad ayaa waxaa isugu soo haray Cali Nuur Boodaaye iyo C/risaaq Dheere, waxaana ay natiijadu noqotay 23 oo uu hellay Cali Nuur Boodaaye iyo C/risaaq Dheere oo hellay 28 cod, siddaana ku noqday xildhibaan cusub oo ka tirsan baarlamaanka soo socda ee federaalka.

Dhinaca kale waxaa kaloo isla maanta la doortay labo kursi oo kale oo mid ka mid ah ay ku tartamayeen haween, waxaana ay kala ahaayeen Zamzam Ibraahim Xuseen iyo Maryan Axmed Haaruun, waxaana 38 cod ku guuleystay Maryan Axmed Haaruun, halka Zamzam Ibraahim Xuseen ay heshay 18 cod.

Sidoo kale waxaa kursiga kale ee Aqalka Hoose ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Axmed oo helay 38 cod, halka Cali Xasan Cusmaan uu helay 9 cod, waxaana kursigan u codeynayay 47 ergo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaliya