4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2016
Galmudug oo soo jeedisay in la badallo guddoomiyaha gudiga xalinta khilaafaadka heer dowlad gobolleed

Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Maamulka gobolleedka Galmudug ayaa qoraal ka soo baxay maanta waxaa ay ku dalbadeen in la badallo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka heer dowlad gobolleedka ee Galmudug.

Galmudug ayaa wakiilka guddiga xalinta khilaafaadka ee heer dowlad gobolleedka ku eedeysay in uu ka shaqeynayo sidda hadalka loo dhigay iska horkeenka bulshada ku dhaqan Cadaado iyo guud ahaan arrimo dhibaato ka dhalin kara deegaanka.

Warka ka soo baxay Galmudug ayaa siddan u dhignaa :

Iyadoo laga anba-qaadayo habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa maamulka dowlad goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa wakiilada guddiga xallinta khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakiilka ka ah guddiga xalinta khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo ka baxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Hadaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ka codsaney in uu dib ula laabto wakiilkan laguna soo badallo xubin kale oo aan wadda shaqeyn karno.

Dowlad goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan guddiga xalinta khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan kuna shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray''.

Ugu danbeyntii, warka qoraalka ah ee maanta ka soo baxay Galmudug, ayaa imanaya xili dhinaca kale guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada dadban war ay soo saareen ku sheegeen in ilaa iyo hadda aysan jirin go'aamo la xiriira doorashada oo ay dhinacooda gaareen, taasoo kuu muujineysa in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay guddigan oo siyaabo kala duwan u kala hadlay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya