4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
SAWIRRO: Taariikh Nololeedkii FIEDAL Castro oo dalka Cuba xukumayay in ka badan Nus-qarni

Axad, November 27, 2016 (HOL) — Fidel Castro, ayaa Waddanka Cuba Hoggaaminayay muddo Nus-qarni ah, iyadoo xisbigiisa oo keliya uu waddankas ka talinayay. xilligaasoo uu Calanka Casrto ee Guduudka ah ka Ag-babanayay Dalka Mareykanka oo ahaa Cadowgiisa ugu weyn.

Taageerayaashiisa ayaa ku ammaana in uu ahaa askariga siyaasiga ah ee dadka reer Cuba u soo gacan geliyay dhulkooda isla markaana ka guuleystay mabda'a hantiwadaagga.

Balse waxa uu wajahayay eedeymo ah in uu cabburinayay mucaaradkiisa isla markaana uu dhiirigelinayay siyaasado curyaamiyay dhaqaalaha dalkaasi.

Fidel Alejandro Castro Ruz waxa uu dhashay 13-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1926, waxa uuna ka soo jeedaa qoys beeroley maalqabeen ah oo ka soo haajiray dalka Spain.

Hooyadii Lina Ruz González waxaa addoonsi u haystay aabihii oo ay uga shaqayn jirtay beertiisa kaddibna waxa ayna noqotay xaaskiisa kaddib markii ay dhashay Fidel Castro.

Castro ayaa waxbarashadiisii ka billaabay iskuulada lagu dhigo madaahiibta katooligga ee masiixiga basle markii dambe waxa uu ku guuldareystay in uu waxbarashadaasi heer ka gaaro, waxa uuna wakhtigiisa dhan geliyay ciyaaraha.

Isaga oo Jaamacadda Havana Arday ka ah, ayaa bartamihii sannadihii Afartaeeyadii wuxuu noqday nin u ololeeya arrimaha siyaasadda, waxa uuna noqday aftahan.

Shuuciyadda Castro

Fiedal Castro, Wxuuu siyaasadiisa ku bar-tilmaameedsaday Madaxweynihii Dalka Cuba ee Xilligaasi Ramon Grau oo xukuumaddiisu ay wajahaysay eedeymo Musuq-maasuq. Dibad-baxyo rabshado wata ayaa dalka ka curtay, Wuxuuna Castro uu noqday Bar-tilmaameedka Ciidanka Booliiska. Isagoo sidoo kale qayb ka ahaa qorshe la doonayay in lagu Afgambiyo hoggaamiyaha garabka midig ee Dominican Republic, Rafael Trujillo, Laakiin Qorshahaas ayaa fashilmay kaddib markii uu Mareykanka soo farageliyay.

Sannadkii 1952 ayaa Fulgencio Batista wuxuu Weerar ku qaaday Dowladda, Wuxuuna Af-gambiyay madaxweyne Carlos Prío. Castro wuxuu Sameystay Dhaqdhaqaaq si Hoose uga shaqeeya sidii loo inqilaabi lahaa dowladda Batista, waxa uuna bishii Luuliyo ee Sanndkii 1953-kii qaaday weerar fashilmay oo uu ku doonayay in uu Hub ku furto, Wuxuuna ka mid noqday maxaabiistii dagaalkaasi lagu qabtay, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Sannadkii 1955 ayuu cafis ku soo baxay waxa uuna u cararay Dalka Mexico, hase yeeshee Sannad kaddib ayuu dalka ku soo laabtay, waxa uuna saldhig ka dhigtay buuraleyda Sierra Maestra, halkaasi oo muddo labo sano ah uu ka jabhadeynayay.

Labadii bishii Janaayo ee Sannadkii 1959-kii, ayaa Fallaagadiisu waxa ay Gudaha u galeen Caasimadda Dalka Cuba ee Havana, arrintaa oo Batista ku khasabtay in uu dalka ka cararo. Boqollaal ka tirsan Taageerayaasha Batista ayaa la khaarijiyay kaddib markii maxkamad la soo taagay.

Dowladdii uu Castro madaxweynaha ka ahaa ayaa markiiba ballanqaaday in dalka gacanta loo gelinayo dadkii lahaa, isla markaana ay difaacayso xuquuqda dadkeeda saboolka ah.

Laakiinse, isla markiiba dalka waxaa lagu soo rogay hannaanka siyaasadeed ee halka xisbi, waxaana xabsiga la dhigay boqolaal qof, halka kumanaan u badan dadka hantiilayaasha ahi ay dalka isaga qaxeen.

Dhanka kale, Sannadkii 1960 ayaa Castro wuxuu dhammaan ganacsigii dadka Mareykanka ah ay ku lahaayeen dalkiisa ku wareejiyay shacabka reer Cuba. Mareykanka, ayaa Arrintaa uga jawaabay xayiraad ganacsi oo ka dhan ah Cuba, xayiraadaa oo soo gaartay ilaa qarnigii 21-aad.

Sannadkii 1961-kii, ayay Mareykanka wuxuu damcay in la Af-gambiyo Dowladda Castro, basle arrintaasi ayaa guul darro ku dhamaatay. Hay'adda CIA-da ee Mareykanka ayaa isku dayday inay khaarajiso Fiedal Castro oo xitaa waxay isku dayday in la siiyo sigaar laga soo buuxiyay walxaha qarxa, si uu qaraxa ugu dhinto.

Inakstoo Cuba ay xayiraado dhaqaale saarnaayeen, haddana waxa uu dalkaasi gaaray guulo badan, waxaana shacabkiisa u suurtagashay in ay helaan daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah.

31-dii bishii July ee Sannadkii 2006-dii, ayuu Fiedal Castro si KMG ah uu ugu wareejiyay Xukunka Walaalkii Raul Castro, kaddib markii lagu sameeyay Qalliin dhanka xiidmaha ah, waxaana sii xumaaday caafimaadkiisa illaa uu Sannadkii 2008-dii Rasmi ah Awoodda ugu Wareejiyo.

Dhamaadkii Sannadkii 2014-kii ayaa madaxweyne Obama waxa uu shaaciyay in Cuba laga qaadayo Xayiraadaha saarnaa Muddada Nus-qarniga ah. Castro aad ayuu u soo dhaweeyay Arrintaasi waxa uuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xasilinayo Gobolka, Basle waxa uu wali shaki ka muujiyay Mareykanka oo uu sheegay in aan la aamini karin.

Ugu dambeyn, Inkastoo dad badan oo Reer Cuba ah ay Necbaayeen Fiedal Castro, haddana waxaa jira dad kale oo badan oo Castro aad u jecel, waxa ayna u arkaan halyey.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya