4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
Sidii Castro uu u saaciday dagaalkii ka dhanka ahaa midab kala sooca Afrika

Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Fidel Castro, waa madaxweynihii hore ee Cuba ee shuuciga ahaa ee Sabtidii shalay geeriyooday.

Mr. Castro ayaa intii uu noolaa dawr muhiim ah ka qaatay dagaalkii gobanimo doonka ee sidoo kalena looga soo horjeeday midab takoorka gudaha qaarada Afrika. Wuxuu ka mid ahaa dhowr qof oo qaaradaan dibadeeda asal ku leh balse qeyb libaax ka qaatay dagaalkii gobanimo doonka ee ka dhanka ahaa midab kala sooca.   

Dalalka uu caawiyay waxaa kujira
Algeria iyo Angola. Wuxuu sidoo kale necbaa nidaamka hanti goosadka ee afka qalaad lagu yiraahdo capitalism.


Dalka Cuba wuxuu siiyay Algeria taageero caafimaad taasoo uu ugu tala galay Jabhadii Qaran ee Xoreynta Algeria [Algerian National Liberation Front].

Dal kale oo uu saaciday waa Zaire ayadoo shacabku olole uu isaga kicinaayay kaligii taliyihii Mobutu Sese Seko uu gacan siiyay.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Cuba intii Castro uu heystay wuxuu caawiyay nidaamkii Derg-ga ayadoo uu u soo diray 15 kun oo ciidamada Cuba ah 1978 markii ciidamada Soomaaliya ay qabsadeen gobolka Ogaden oo Itoobiya iyo Soomaaliya ku muransanaayeen.

Sidoo kale waxaa uu caawiyay halgameyaashii madowga ahaa ee dalka Koofur Afrika si ay meesha uga saaraan xukuumadii caddaanka ee midab kala sooca ku dhisnayd.

Waxaa kaloo dalka Cuba zamankii Castro uu saamayn ku yeeshay Namibia.

Dalka Cuba ayaa waxaa dagaalo jabhado isku hayay gudaha Afrika uga dhintay ilaa 43000 oo askari ayadoo dhinacyada qaar ay taageero ka helayeen Cuba.

Dawladii Castro oo ka talinaysay Cuba oo ah dal 11 milyan ay kunoolaayeen markaa ayaa isku taagtay in badan quwado waaweyn Alle ayaa weyne.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]