4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
Xoogagga Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhigga ciidanka millateriga ee Laanta-buuro


Axad, November 27, 2016 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaadday xalay Weerar Saldhig ay Ciidamada Dowladda Somalia ku leedahay Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal muddo socday qaatay ayaa dhex-maray Militariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday saldhigga Laanta-buuro, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay u suuro-gashay inay saldhigga muddo kooban la wareegaan.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’eg yahay.

Dhanka kale, Saraakiisha ka tirsan Millateriga Somalia ayaa beeniyay inay u suuro-gashay gashay Al-shabaab inay gudaha u galaan saldhigga ciidamada Millateriga ee Laanta-buuro.

Al-shabaab ayaa dhankeeda weli ka hadlin weerarka la sheegay inay xalay la beegsatay saldhigga ciidamada dowladda Somalia ee Laanta-buuro, inkastoo ay horay weerarro khasaare badan ugu qaaday saldhiggaas ay ka sheegatay guulo.

Ugu dambeyntii, Ciidamada Dowladda Somalia ayaa dhawr jeer lagu Weeraray Saldhigga Laanta-buuro, iyadoo sidoo kalena ay Al-shabaa weerarro noocaan oo kale ah ay ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin kuwa dowladda iyo AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya