4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
Kulliyad cusub oo laga dhex furay Jaamacada Ummada

Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Kulliyad cusub [waa Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolojiyadda] ayaa laga dhex furay Jaamacada Ummada ee Muqdisho.

Shalay Sabtidii ayaa xarigga laga jaray kulliyadaa cusub. Madaxa Jaamacada Ummada Maxamed Axmed Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in tiknoolojiyad la'aan dal uusan horumarayn sidaa darteedna maamulka jaamacadaasi uu sidaa u bilaabay kulliyadaa.

Wuxuu Maxamed Axmed Jimcaale sheegay in jaamacada hada ay wax ka bartaan 1400 oo arday.

Wuxuu intaa ku daray in lagu baahin doono faracyo jaamacadu yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka tirsan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]