4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh oo qiray in qaladaad ka dhaceen doorashooyinka aqalka hoose ee dalka

Axad, November, 27, 2016 (HOL) -  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo Xassan Sheekh Max'uud oo markii ugu horeysay ka hadlay cabashada ka jirta doorashada aqalka hoose, ayaa sheegay in uu qirayo in qaladaad ay dhaceen, laakiin sidda uu hadalka u dhigay qaladaadkaasi yihiin kuwo aad u yar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaliil kasta oo soo baxda ama qaladaadka ka dhacaya doorashada mas'uuliyadeeda looga baahan yahay in ay qaadaan guddiga doorashada oo sidda uu hadalka u dhigay ah kuwii loo idmaday in doorashada u dhacdo si hufan oo aan is qab qabsi laheyn.

'' Waxaan rabaa in aan xasuusiyo guddiga doorashada iyo madaxda maamul gobolleedyada dalka ka jira in aysan hareer marin heshiisyadii horey loo wada gaaray,  yeey dhicin in la hareer maro wixii lagu heshiiyay oo hala dhaqan galiyo ayaan leeyahay'' ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddiga doorashada looga baahan yahay in ay soo sheegaan meellaha ay ka jiraan qaladaadka dhinac doorashada ee dhacaya, si markiiba wax looga qabtay, isaga oo intaa ku darray in ilaa iyo hadda aysan jirin arrimo waaweyn oo leysaga yimid oo doorashada ka socon la'dahay.

''Qaladaad ma jiraan ma dhaheyno waa ay jiraan, laakiin waa ay yar yihiin, ilaa iyo hadda ma heyno arrimo waaweyn oo inta leysaga yimid la leeyahay doorashada waa ay ka socon la'dahay, taasoo cadeyn u ah in ilaa iyo hadda howlaha si wanaagsan u socdaa, waayo xildhibaanno ayaa la doortay oo maanta diyaar ah, laakiin haddana waxaa loo baahan yahay in deg deg loo xaliyo qaladaadka yar yar ee jira'' ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha ayaa sheega in cabashada jirta haddii aan xal loo helin laga dhaxli karo, dib u dhac iyo colaad, si taas looga fogaado looga baahan yahay guddiga doorashada iyo madaxda dowlad gobolleedyada  in ay si deg deg ah u xaliyaan wixii qaladaad ah ee ka dhaca doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya