3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
Bandhig kusaabsan dhaqanka Soomaalida iyo dhaqamo kale oo ka dhacay Nairobi Kenya

 

Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Ururka Eastleighwood oo ka shaqeeya xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi kana shaqeeya arimaha wacyi galinta, dhaqanka, farshaxanka, is dhexgalka, jiheynta dhalinyarada iyo barnaamijyada tababarada ayaa shalay qabtay bandhig lagu soo bandhigayay dhaqan Soomaaliga iyo dhaqamada bulshooyinka kale ee Kenya ku dhaqan.

Shalay ayaa waxaa bandhigaasi uu ka dhacay xarunta Liberty Shopping Centre ee xaafada Pangani ee caasimada Nairobi. Si kastaba ha ahaatee, bandhiggu wuxuu socday ilaa xalay fiidkii ayadoo xilligii fiidkii loosoo wareejiyay hoteelka caanka ah ee Grand Royal ee xaafada Islii. 
 

Waxaa bandhigga ka soo qeyb galay masuuliyiin badan oo ay ku jireen safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Kenya Jamaal Maxamed Xassan iyo xildhibaanka degmada Kamukunji Yuusuf Xassan, bahda saxaafada, dhallinyaro, haween iyo qeybo kale oo badan oo ka tirsan Soomaalida Nairobi kunool iyo bulshooyinka kale. 
 

Waxyaabihii lasoo bandhigay ayaa waxaa ku jiray ciyaaro dhaqameed sida dhaantada, riwaayado iyo  waxyaabo kale.Waxaa looga gol lahaa bandhigga isdhexgalka iyo isfahamka bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee ku dhaqan dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ujeedka laga leeyahay bandhigga uu ahaa in lagu mooso ku xardhidda iyo ka aaminidda bulshada Soomaaliyeed fikradaha qaldan ee aan salka iyo raadka laheyn iyo in loo muujiyo bulshadeena inay tahay wehel adag oo loo maciinsado dhisidda iyo tabantaabinta nabadda.
 

Ururka Eastleighwood ayaa aaminsan in wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed ee kunool Nairobi iyo Kenya guud ahaan ay xoojin doonto sarena u qaadi doonto dhisidda bilic samida muuqaalka guud ee bulshada Soomaaliyeed, hirgalinta mashaariicda, shuruucda iyo arrimaha kale ee barataari kara kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed.
 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]

 













Click here
11/27/2016 2:31 PM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Wararka ka imanaya dalka Uganda, ayaa sheegaya in ciidammada booliiska galbeedka dalka xabsiga u taxaabeen boqor Rwenzururu, kaddib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 56 ruux oo dhaxmaray ciidammada Uganda iyo maleeshiyaad la sheegay in u daacad ahaayeen boqorka.

11/27/2016 1:48 PM EST
Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa murashaxiintii aqalka hoose ee Puntland kasoo gali lahaa ayaa qoraal cabasho ah soo saaray kaasoo uu uga cabanaayo in laga musuqmaasuqay hannaankii lagu soo dooran lahaa.

11/27/2016 12:06 PM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Doorashada xubnaha aqalka hoose oo wali ka socta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaanno aan horay ugu tirsaneyn baarlamaanka,iyadoo laga guuleystay mudanayaal hore.

11/27/2016 9:12 AM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Maamulka gobolleedka Galmudug ayaa qoraal ka soo baxay maanta waxaa ay ku dalbadeen in la badallo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka heer dowlad gobolleedka ee Galmudug.

11/27/2016 8:31 AM EST
Axad, November 27, 2016 (HOL) — Fidel Castro, ayaa Waddanka Cuba Hoggaaminayay muddo Nus-qarni ah, iyadoo xisbigiisa oo keliya uu waddankas ka talinayay. xilligaasoo uu Calanka Casrto ee Guduudka ah ka Ag-babanayay Dalka Mareykanka oo ahaa Cadowgiisa ugu weyn.

11/27/2016 8:12 AM EST
Axad, November 27, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 55-ruux, ayaa lagu dilay iska-horimaad dhexmaray ciidamada booliiska Uganda iyo koox doonaysay inay sameysato Jamhuuriyad u gaar ah, sida uu sheegay afhayeenka Booliiska dalka Uganda.

11/27/2016 6:20 AM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) -Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u soo dirayso in ka badan 2,000 oo askari oo dheeraad ah,, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.

11/27/2016 5:44 AM EST
Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Fidel Castro, waa madaxweynihii hore ee Cuba ee shuuciga ahaa ee Sabtidii shalay geeriyooday.

11/27/2016 4:50 AM EST
Axad, November 27, 2016 (HOL) — Xildhibaanno iyo Waxgaradka kasoo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan ayaa Bayaan ay soo Saareen, ku sheegay in lagu hayo fara-gelin dhanka doorashada sannadkan ah.

11/27/2016 2:56 AM EST
Axad, November 27, 2016 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaadday xalay Weerar Saldhig ay Ciidamada Dowladda Somalia ku leedahay Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

11/27/2016 2:38 AM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) -War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa markii ugu horeysay leysku hor taagay natiijada doorashada labo xildhibaan oo maalintii shalay lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

11/27/2016 2:31 AM EST
Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Kulliyad cusub [waa Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolojiyadda] ayaa laga dhex furay Jaamacada Ummada ee Muqdisho.

11/27/2016 2:04 AM EST
Axad, November, 27, 2016 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo Xassan Sheekh Max'uud oo markii ugu horeysay ka hadlay cabashada ka jirta doorashada aqalka hoose, ayaa sheegay in uu qirayo in qaladaad ay dhaceen, laakiin yihiin kuwo aad u yar.