12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2016
SAWIRO: Musharax xildhibaan oo lagu soo dhaweeyay degmaad Cadaado ee xarunta Galmudug

Sabti, November 12, 2016 (HOL) — Waxaa Degmada Cadaado oo ah Xarunta KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug Maanta lagu soo dhaweeyay Musharraxa Xildhibaan, Inj. C/llaahi Cali Xasan oo u Tartamaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Musharraxa, ayaa waxaa Garoonka Diyaaraddaha ee Cadaado kusoo dhaweeyay Qaybaha Bulshada, Maamulka Gobolka, midka Degmada, Xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug, siyaasiyiin, dhallinyaro oo ku labisnaa dharka Hiddaha iyo Dhaqanka iyo xubno kale.

Wafdiga Inj. C/llaahi Cali Xasan ayaa dadkii soo dhaweeyay u sharraxay ujeedada uu isku soo sharrxay iyo wuxuu qaban doono haddii xilka loo doorto. isagoo sababta uu xilka isugu soo taagay ku sheegay in dadka Soomaaliyeed uu uga faa’iideeyo aqoontiisa maamulka iyo maareynta oo uu sheegay in muddo 25-sanadood ka badan uu Samafalka iyo Gar-gaarka ka shaqeynayay, haddana uu doonayo inuu dhinaca siyaasadda shacabkiisa ugu shaqeeyo.

“Niyaddeyda ma ahan in aan dhaqaale urursado, Laakiin ujeedadeyda waa in aan dadkeyga iyo dalkeyga ugu shaqeeyo caddaalad iyo inaan ka shaqeeyo sidii midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed uu u sii jiri lahaa,” ayuu yiri Inj. C/llaahi oo intaas raaciyay inuu ku boorrinayo shacabka dalka ku nool inay isku tashadaan.

Musharraxa oo ka hadlayay Colaadda Gaalkacyo ayaa ugu baaqay Maamullada Gal-mudug iyo Puntland in si nabad ah ku dhameeyaan dagaallada muddada soo socday, miiska Wada-hadalkana lagu xalliyo wax kasta oo la kala tabanayo.

Dhanka kale, Inj. C/llaahi ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka Qayb-qaataan sidii loogu gurman lahaa bulshada ay abaaraha Aafeeyeen ee Gobollada Waqooyi-galbeed Somalia iyo qeybo ka mid ah Gobollada Dalka. Wuxuuna ka Codsaday Soomaalida in ay isku naxariistaan una istaagaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed dhibaatada looga bixin lahaa.

Ugu dambeyn, Musharraxa Xildhibaan Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu xusuustaa inuu muddo 30 sano ka badan ka shaqeynayay arrimaha bulshada rayidka iyo samafalka, isagoo wax muuqda ka deeganno fara badan oo dalka ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya