10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2016
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: Waa in Waddada Buulo-xuubey Loogu magic-daro Aasaasihii SYL


Isniin, May 16, 2016 (HOL) — Dal walba waxaa Taariikhda ugu jiro Dadkii dalka u soo halgamay ama wax wanaagsan ku taray ,wadamo badan oo dhaca qaaradaha-dunida sida qaaradan Africa waxaa ku yaalla goobo dhowr ah oo loogu magac-daray dadkii magaca ku lahaa dalka ama kaalinta fiican uga jiray horumarka ay bulshada ku tis-qaaday.

Taasi waxa ay tusaale nool u tahay jiilka danbe oo xooga saari doona in ay magaca iyo maqaam kaga tagaan dalkooda, waana taas sababta maanta wadanka Somalia gaar ahaan caasimada Muqdisho ay ugu yaalaan goobo badan oo lagu sharfay dadkii wadanka u soo halgamay ee soo riday gobonimada aan maanta ku naalooneyno.

Goobaha taariikhada leh ee loogu Magac-daray Hal-gamayaashii Soomaaliyeed waxaa ka mid ah wadooyin, taalooyin, xarumo loogu adeego bulshada,sida dugsiyo ,garoomo iyo goobo kale balse waxaa wali socda dadaal aanan la dhayalsan  Karin kaasi oo lagu doonayo in wadooyinka iyo meelaha qaar ee muqdisho loogu bixinayo magacyadda dadka taariikhda meesha wanaagsan kaga qoran.si taasi loo dardar galiyo.

Guddoomiyaha gobalka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku baaqay in Waddada dheer ee ka baxda Zoobe ee  tagta Danwadaagta loogu magac-daro Aasaasihii Bud-dhigaha u ahaa Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee soo dhiciyay xurnimada maanta naga saartay ku hoos noolaashaha gumeysi muuqda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa ku Tala-bixiyay in waddada dhawaan dib loo dhisay ee marta xaafadda Buula-Xuubeey ee degmada Wadajir loogu magac-daro aas aasihii ururka SYL, Cabduqaadir Sheekh Saqaawudiin.

In kasta oo magac iyo musiibo ay maalin baxdo haddana waa la dhaqan galin karaa isticmaalka magacaasi waa haddii la muujiyo waxyaabo keeni karo in magacaasi uu hirgalo sida in boorar lagu xardho wadada ama hareeraheeda laguna dhigo magaca wadada.

“Dhismayaasha waddooyinka qaar ee dalka sida Sayidka iyo Danwadaagta, waxay marag-ka-tahay sida aan uga maaranay gacmo shisheeye. Waxaana ku tala bixinayaa in Saqaawudiin loogu magac-daro wadada marta xaafadda Buula Xuubeey waxaa sidaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale.

Ugu dambeyn, Qof kasta waxaa la gudboon in dalkiisa uu uga tago taariikh wax tar leh si uu u hanto magac kaga yimaado inta wax qabadkiisa Garwaaqsatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya