11/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2016
SIILAANYO: Ma aaminsani in magac & maamuus aan ku helayo in mar walba xilliga la ii kordhiyo


Khamiis, Maarso 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Max'uud Siilaanyo ayaa sheegay inaanu marna ogolayn in muddo kordhin loo sameeyo, wuxuuna ka hadlay sababta diiwaan-gelinta loo hakiyey ayaa xusay inay tahay sidii gurmad ballaadhan loogu sameyn lahaa dadka abaaruhu samaayeen.

Madaxweynaha ayaa sidaas ka sheegay khudbad uu shacabka usoo jeediyey, isla markaana uu kaga hadlayey arrimaha diiwaan-gelinta ee hakadku ku yimid iyo Abaaraha dhimashada keentay ee ku habsatay dalka.

Sidoo kale, waxa uu xusay in golaha wakiilada usoo gudiyey tallo soo jeedin ku qotoma in wax laga bedelo xeerka Diiwaanelinta si aanay marna doorashaddu dib uga dhicin.

“Markii aan Xog-ogaal u noqday in xaaladda ba'an ee abaaraha dalka ku habsaday ay ka sii darayaan marba marka ka sii dambaysa, isla markaana ay duruuftu gaadhay heer ay billaa-bantay in ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba. Markii aan tixgeliyey dareenkii hal doorka dadka Somaliland ee tibaaxayey inaysan habboonayn in lasii wado Diiwaangelinta Codbixiyayaasha marxaladdan abaaruhu sii xumaadeen,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaa ku daray. “Markii aan arkay mas'uuliyada gaarka ah ee hoggaamiye ahaan iga saaran aafadan ummadda ku habsatay, in loo baahan-yahay, si looga samato bixiyo in cududda, cuudka iyo caqliga qaranka lagu jeediyo gurmadka abaaraha.

Markii aan isku-qanciyey in hakinta gaaban ee abaarta dartood lagu sameynayo Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha aanay dib u dhigis ku samaynayn xilligii doorashada, iyada oo ay iga go'an tahay in aan dalkan ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo qoondeeyey 27-ka bisha March, 2017-ka.

Markii Aan Garwaaqsaday in ay tahay waajib marxaladdan ay qaranka soo foodsaaraysay masiibada adag in loo gacan baxo gurmadka iyo kaalmada loo geysanayo dadka abaaruhu aafeeyeen, isla markaana ay adag tahay xilligan in la isku wado hirgelinta labadan mashruuc ee waaweyn (Laabi Labo U La').

Markii Aan Yaqiinsaday in Diiwaangelinta Codbixiyayaasha hakadkan yar ee ku imanaya aan looga cabsi qabin in uu ku keeno fashil, maadaama lagu guulaystay ka midho-dhalinta mashruucan, gobollada dalkana laga hirgeliyey intii badnayd, khibrad iyo aqoon dheeraad ahna haatan la korodhsaday.

Waxaan go'aamiyay:

1. In la hakiyo muddo kooban oo bil ah diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha (Abriil - 2016).
2. In Dhamaan shacabka iyo xukuumadda loo galo gurmad qaran deegaannada ay abaaruhu aafeeyeen, maskaxda, muruqa iyo maalkeena koobana meel loo wada-jeediyo marxaladan.

Si aynu uga samato-baxno musiibada abaartaha, Allaheena weynina inoo gargaaro, waxa in ala gudboon ummad ahaan in aynu isku-naxariisanno, is-kaalmayno, is-cafino, isku-calool-samaano, maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenana midayno, Allaheena u noqono, isla markaana kaalmaysanno Salaadda, Soonka iyo Baryada Eebe, maadaama Gar-gaarkiisa iyo gacantiisa oo keliya aynu ku baahi beeli karno.”

Sidoo kale, Wuxu madaxweynuhu u mahad-celiyey guddigii Qaran ee aan u xil-saaray gur-madka abaaraha,  ganacsatada, ururrada waddaniga ah, hay'adaha Samafalka Caalamiga ah iyo dhamaan muwaadiniinta sida hagar la'aanta ah uga qayb-qaatay qaadhaan uruurinta loo sameeyey abaaraha.

“Waxaan leeyahay dadkayga markaan isku naxariisano, ayuu ALEE inoo Naxariisanayaa". Nabigeenii Suubanaa [NNKH], wuxuu yidhi:"Kuwa Naxariista, Waxa u Naxariista, Allaha Naxariista Badan"Sidaas darteed, Waxaan ku guubaabinayaa Dadweynaha gudo iyo dibad, qurba-joog iyo qol-qol-joog intuba, inaan loo kala harin gurmadka abaaraha baahsan.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mar uu ka hadlayey sida uu aaminsan yahay in doorashaddu wakhtigeedda dhacdo iyo in aanu doonayn in loo kordhiyo waxa uu ku yidhi   “Si loo suurtagaliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo-galay, isla markaana loo helo wakhti fiican oo ku filan in Guddida Doorashooyinka Qaranku hawlaha ku dhammaystiraan qabyada noqon kara, waxaan u gudbiyey Golaha Wakiillada soo-jeedin in wax-ka-beddel lagu sameeyo Qodobka 7aad, Faqraddiisa 2aad oo u dhigan sidan "Komishankuna waxa xil ka saaran yahay kaydinta, xafidaada iyo soo saaridda liiska kama dambeysta ah ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha 6 bilood ka hor maalinta doorasho kasta".

Qodobka 26aad, Faqraddiisa 2aad oo u dhigan "Liiska diiwaanka codbixiyaha waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Lix bilood (6) ka hor xilliga doorshada" ee Xeerka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Xeer Lr. 37/2007 ee dib loo habeeyey 2014-kii.

Nuxurka wax-ka-beddelka cusubi wuxuu noqonayaa in qodobbadan oo dhigaya in Lix (6) bilood ka hor lagu dhameeyo diiwaangalinta, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyaasha, lagu beddelo Lix (6) bilood gudohood in lagu dhamays tiro, laguna soo saaro Liiska Cod-bixiyayaasha.

Tani waxay markhaati ma doon u tahay in aan ka soo horjeedo sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka muddaysan. Cidda tuhunsan inaan tab iyo xeelad ka dayayo, towsta iyo tabaalaha qaylo-dhaanta abaaraha, waxaan u cadaynayaa in aan u xusul duubanahay in doorashadu ku qabsoonto xilligeeda, waxaana leeyahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee yaan la idinku adimin idinkoo hadal gidaarada ka shubaya.”

Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ma aaminsani, in magac iyo maamuus iigu kordhayo in mar walba muddo la ii kordhiyo. Waxaana ahay Madaxweyne wax qabtay oo aan waji-gabax hayn. Waxaan ahay Madaxweyne, ay shacabkiisu doorteen - oo daacad u ah ka shaqaynta danahooda guud. Waxaan ahay siyaasi 4-sanno in ka badan ummaddiisa u soo adeegayey utun la'aan. Sidaa darteed, haddii uu kursi jacayl i hayo ama aan doonayo in aan halkan iska sii fadhiyo miciin kama dhigteen marba muddo kordhin ee murashax baan noqon lahaa oo waan tartami lahaa”.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u mahad-celiyey Dalalka Midowga Yurub doorkii ay ka qaateen taabagelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland