FAAHFAAHIN: Iska-horimaad Maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Khamiis, Maarso 31, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafoow oo maanta la hadlay HOL ayaa Faahfaahin ka bixiyay iska-horimaad Beledweyne ku dhaxmaray ciidanka maamulka iyo rag hubeysan oo uu ku tilmaamay malleeshiyaad.
Qalaafoow ayaa xusay in ciidamada maamulka gobolka lagu soo war-galiyay maleeshiyaad sida uu hadalka u dhigay - qal-qal ku hayay nabadda magaalada, taasoo keentay buu yiri in ciidamadu ku baxaan, hase ahaatee markii danbe uu iska-horimaad dhaxmaray qaar ka mid ah malleeshiyada iyo ciidanka maamulka.
“Ciidamadu waxay soo qabteen maleeshiyaad dhibaato ku hayay dadweynaha Baladweyne iyo deegaannada kale isaga goosha, iska-horimaadka labada dhinac dhexmarayna waxaa ka dhashay dhaawac,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baladweyne oo u warramayay HOL.
Sidoo kale, Guddoomiye Qalaafoow, ayaa xusay in amniga magaalada ay ka saaran tahay maamulka mas'uuliyad, isla markaana ay ka hortagi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah.
“Hawl-galkan maanta, wuxuu qayb ka yahay hawl-gallo Ammaanka lagu sugayo, cid kasta oo nabad-galyada dhibaato ku ahna ciidamadu ay ka hor-tegi doonaan,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha degmada Baladweyne.
Ugu dambeyn, Iska-horimaadka maanta ka dhacay Beledweyne ayaa wuxuu yimid kaddib shir amniga looga hadlayoo maalintii shalay ahayd ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, Shirkaas oo ay kasoo baxay go'aanno Mas'uuliyiinta maamulka ay ku sheegeen in lagu xaqiijinayo nabad-galyada magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya