Dubab dhaqameed Gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe (SAWIRRO)
Talaado, Maarso 29, 2016 (HOL) — Duubab-dhaqameedyo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhawaan hishiis la gaaray Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe oo la filayo inuu dib uga furmo shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Salaadiintaan oo Galabta ka dhoofay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa qeyb ka ahaa odayaal dhaqameed oo uu horkacayo Iimaam Maxamuud Imaam Yuusuf, oo todobaadyadii ina dhaafayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.
Duubabka dhaqanka gaaray magaalada Jowhar, ayaa waxaa ka mid ahaa; Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdullaahi, Ugaas C/xakiin ugaas Maxaad, Wabar Maxamed wabar Axmed, Ugaas C/naasir Ugaas Max'ed iyo wakiil ka socday duubabka-dhaqanka qaarkood.
Salaadiintaan, ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Dhexe oo uu Hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Cali C/llaahi Xusseen Guudlaawe.
Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi oo saxaafada kula hadlay degmada Jowhar, ayaa sheegay inay halkaa u tageen ka qayb-galka shirka Jowhar oo la filayo inuu dib uga furmo Jowhar.
Shirkaan waxaa ku gacan-seyray Qaar ka mid ah Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku Yilmaamay mid laga leeyahay siyaasado dahsoon oo ka durugsan dhismaha maamul oo kaliya.
Sidoo kale, dib u Ambaqaadidda Shirka magaalada Jowhar, ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu magaalada Beledweyne kaga dhawaaqay Shir dib-u-hishiisiin ah.
Ugu danbeyntii, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeedda gobolka Hiiraan ayaa ku madaxda Dowladda Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha ku eedeynaya in si aan Wanaagsaneyn uu ula macaamilay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya