12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2016
Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo maanta ku wajahan degmada Jowhar


Talaado, Maarso 29, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa ku wajahan maanta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo la sheegay inuu mar kale dib uga furmayo shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Odawaa ayaa labadii Toddobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, si uu Waxgaradka gobolkaas ugu qanciyo sidii ay uga Qayb-geli lahaayeen shirka, balse taasi uma suuro-gelin, waxaase qayb ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan ay maalin ka hor madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ka ogolaadeen inay ka qaybgalaan shirka Jowhar.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu Jowhar kaga dhawaaqi doono in talada dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe gacanta loo gelinayo oday-dhaqameedka labada gobol, inkastoo inta badan waxgaradka gobolka Hiiraan ay kasoo horjeesteen inay shirka ka qayb-galaan.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe - ayaa waxaa haaatan ka socota qaban-qaabada wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kale oo wehliya, inkastoo aan la ogeyn inta casho ee ay joogi doonaan Jowhar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa doonaysa inay dadajiso shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan & Shabeellada dhexe, kaasoo mudo hakad ugu jiray diidmada odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee ka qayb-galka shirkaas, kuwaasoo saluugay Hannaankii ay u qaybisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ergooyinka shirka.

Ugu dambeyn, lama oga sida uu shirkan ku furmi doono, iyadoo weli ay jiraan qaar ka mid ah odayaasha gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda ka qayb-galka shirka Jowhar, kuwaasoo ku adkeysnaya in marka hore golol dib u heshiisiin ah loo dhigo bulshada gobolka Hiiraan ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya