10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2016
Ciidamada Itoobiya oo ku howlan sugida Amniga Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan [Sawirro]

Isniin, Juun 13, 2016 (HOL) — Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo 9-kii bishan Khamiistii ina dhaaftay dagaal culus kula galay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan Xoogagga ka tirsan Al-shabaab, ayaa waxay billaabeen dhaq-dhaqaaqyo Amaanka deegaankaas lagu xaqiijinayo.

Wararka naga soo gaaraya halkaa ayaa Sheegaya in tiro badan oo Ciidanka Dalka Itoobiya ah howlgallo ka waddaan deegaannada hoostaga Halgan gaar ahaan kuwa dhaca galbeedka gobolka iyaga oo bartilmaameedsanaya saldhigyada Xoogagga Al-shabaab.

Wali waxaa jira feejinaan ay muujinayaan dadka rayidka ah oo waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay weerarkii ugu danbeeyay ee ka dhacay halkaa, walow dhaq-dhaqaaqa ganacsiga la leeyahay waa mid si tartiib tariib ah u soo laabanaya.

Weerarkii Khamiistii ina dhaaftay ka dhacay deegaanka Halgan ayaa waxaa ku naf-waayay boqolaal dhinacyadii Dagaallamay ah, iyadoo Qolo walba ay Sheegatay in ay tiro badan oo dagaalyahanno ah ka dishay dhinaca kale.

Inkastoo, Guud ahaan degmooyinka gobolka Hiiraan gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM, haddana dhinaca kale Al-shabaab wali waxaa ay gacanta ku hayaan deegaanno dhowr ah oo ay ku xoog badan yihiin, walow inta badan ay hujuun iyo weeraro kala kulmaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyntii, Weerarkii ka dhacay Deegaanka Halgan - ayaa la Rumeysan yahay in uu yahay weerarkii ugu adkaa Sanadihii ugu Dambeeyay Gobolka ku Dhax-maray Ciidamada AMISOM iyo dagaallamayaasha Al-shabaab.

Hiiraan Online, News Desk