12/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
Madaxweynaha Somalia oo Ammaanay Ciidanka Kumaandoosta Soomaaliya (SAWIRRO)


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Xasan Sh. Maxamuud oo shalay kormeer ku tagay xerada ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Deegaanka Balli-Doogle ayaa shegay in ciidamada kumaandoosta ay yihiin rajada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go'an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan," ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin rajada iyo tusaalaha dib u dhiska ciidammada dalka iyo dib u soo celinta dowladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta.

"Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah oo aysan ka soo waaqsan doonin. Waa waajib ina wada saaran inaan cadowgaas ka qabano shacabka ay gowracayaan iyagoo ku gambanaya magaca diinteena xaniifka ah, iyadoo aan ognahay in Ilaahay qur'aankiisa kariimka ah ku sheegay in bani'aadamku uu karaameysan yahay, naftiisana aan cayaar cayaar lagu goyn karin," ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan, isla markaana loo baahan yahay in laga faa'iideysto iyadoo loo marayo dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Dhanka kale, wuxuu madaxweynuhu si gaar ah mid mid ula hadley ciidankan gaarka ah ee kumandooska, isagoo u ballan-qaaday in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd caqabadaha ka haysta dhanka gudashada waajibaadkooda.

Ugu dambeyn, Kormeerkaan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan ku wehliyey guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Federaalka, Xuseen Carab Ciise, taliyaha ciidamada millateriga, Jen. Maxamed Aadan Axmed, Taliyaha ciidamada cirka, Jen. Maxamuud Sheekh Cali iyo Mas'uuliyiin kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya