12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2016
Dowladda Somalia: Waxaan la Weeraray Xero ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Shabeelada Hoose


Axad, July 10, 2016 (HOL) — Habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta ayaa Ciidammada Xoogga Dalka, waxay hawl-gal sifeyn ah ka fuliyeen Deegaanka Goobaanle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Goobaanle ayaa la sheegay inuu ahaa saldhig ay isku urursato Al-shabaab, hase yeeshee ciidanka Xoogga Dalka Somalia oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galay, kulana wareegay halkaas, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo sidaa u weyn.

Sidoo kale, Goobtaan ayaa Al-shabaab waxay u adeegsan jireen inay ku kaydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan ee gobolka ku nool, sida lagu sheegay war-saxaafadeeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in guushan ay tahay mid shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose u soo hoyatay.

Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhawaan guul-darooyin waa-weyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale.

Ciiidanka Somalia ee sida gaarka ah u Tababaran ee hoos yimaada Ciidanka Qalabka Sida, ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Guulahan ayaa muujinaya in ciidamada Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay Al-shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan. Inkastoo Al-shabaab aysan weli dhankeeda ka hadlin weerarka Dowladda FS ay sheegtay inay ku qaaday deegaanka Goobaanle.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya