1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2016
Kumanaan ka Tirsan Ardayda Dhigta Jaamacada Muqdisho oo u Fariistay Imtixaan (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 03, 2016 (HOL) — Kumanaan ardayda Jaamacadda Muqdisho oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa u fariistay imtixaankii koowaad ee Simister-ka koowaad ee Sannad Wax-barashadeedka sannadaha 2015/2016.

Imtixaankan ayaa ka billowday dhamaan xarumaha ay jaamacaddu ku leedahay Magaalada Muqdisho; iyadoo Ardayda imtixaanka u fariistay laga dheehan karay Wajiyadooda inay dadaal iyo diyaar-garow u soo galeen imtixaanka.

Kaaliyaha guddoomiye kux-igeenka arrimaha Akaadeemiyada ee Jaamacadda Muqdisho, Cali Daahir Maxamed oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhammaan ardayda u fariistay imtixaanka iyo Waaliddiinta Soomaaliyeed uga mahad-celiyay kalsoonida ay siiyeen Jaamacadda Muqdisho; isagoo tilmaamay inay kaalinta Jaamacaddu ay leedahayna ee dhanka waxbarashada ay kasoo bixi doonto.

Imtixaankan maanta billowday ayaa wuxuu soconoayaa illaa 12-ka bishan Jannaayo, 2016-ka, iyadoo la qaadayo Subax iyo Galab. Waxaana ardyadan imtixaankan u fariistay ay wax ka bartaan sagaal kulliyadood oo ka kooban 25-takhasus.

Ugu dmabeyn, Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah Jaamacadaha ugu faca wayn Somalia ayaa waxay ka mid tahay Jaamacadaha ugu horreeya Qaaradda Afrika, waxayna ka tahay xubin muhiim ah ururro caalami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya