9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2016
AMISOM oo Barakacayaasha Baydhabo ku nool u qaybisay cunto noocyo kala duwan ah (SAWIRO)


Talaado, Janaayo 12, 2016 (HOL) — Howl-galka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ayaa sheegtay in Sabtidii lasoo dhaafay ee Toddobaadkan ay gar-gaar cunno ugu qaybiyeen degmada Baydhabo ee gobolka Bay 130-qoys oo ah barakacayaasha ku nool magaaladaas.

Qoysaska barakacayaasha ah ee Baydhabo ku nool ayaa la siiyay cunno isugu jirtay; bariis, bur, baasto, sokor, cusbo, saliidda raashinka lagu karsado, qamadi, hilib, kalluun gasacado ku jira iyo weliba cabitaanno.

Madaxa Warfaafinta Qaybta III ee Howlgalka AMISOM, Col. Fiseha Teklahaimanoti ayaa xusay inay go’aanasdeen in qayb ka mid ah Sahaydooda ay ku Caawiyaan Barakacayaasha ku nool Baydhabo oo xaalad aad u adag ku jira.

“Innagoo tixgelinayna xaaladda nololeed ee Qoysaska Walaalaheen ah Baydhabo barakaca ku jooga, ayuu hoggaamiyaheennu qorsheyeeyay in saddex meelood – laba meelood oo ka mid ah sahaydeenna aan ku caawinno qoysaska kasoo cararay Al-shabaab. Sidaad og-tihiin ciidamadeennu waxay dagaallo kula jiraan ururka Al-shabaab, tanina waxay qayb ka tahay dadaalada lagu caawinayo shacabka gargaarka u baahan,” ayuu yiri Col. Fiseha.

Sidoo kale, ku-simaha xilka madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia, Maxamed Xasan Fiqi oo isagana goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ciidamada dalka Itoobiya ka socda ee AMISOM ka tirsan Taageerada wanaagsan ee ay u fidiyeen Qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo.

“Waxaan ka Mahad-celinaynaa Gar-gaarka ay ciidamada Itoobiya ku caawiyeen Shacabka Koonfur-galbeed; iyagoo gargaarka ka jaray Sahaydooda, waxaanan ku boorrinaynaa inay sii wadaan gargaarka noocan oo kale ah ee lagu caawinayo Qoysaska barakacayaasha ah,” ayuu yiri Fiqi.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur-galbeed, Xasan Cabdi Maxamed ayaa isagana sidaas oo kale ugu mahad-celiyay dadaalkan wanaagsan ee ay ku caawiyeen Qoysaskan Barakacayaasha ah; taliyaha Qaybta III ee howlgalka AMISOM, Col. Yamane Gabre Mikael iyo ciidamadiisa.

Saraakiisha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada xoogaga Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan, dhanka kalena ay xoojin doonaan dadaalladooda ku aaddan sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa waddan xasilloon.

Ugu dambeyn, ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ayaa waxay caawinaad ugu fidiyeen 1000 ruux oo ka mid ah beeraleyda gobolka Bay, si ay beerahooda horumarin ugu sameeyaan, korna loogu qaado ammaanka cunnada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya