1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2016
Mid ka mid ah beelaha G/Hiiraan oo ka hadlay saamigooda maamulka Hiiraan & Shabeellada Dhexe


Talaado, Janaayo 12, 2016 (HOL) — Kulan Magaalada Beledweyne ay ku yeesheen, mid ka mid ah beelaha dega gobolka HIiraan ayaa looga wadda hadlay saamiga ay beesha ay ku yeellaneyso maamulka la filayo in loo dhiso labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Kulanka oo ay qeyb-galeen odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo qurbo-joog, ayaa si qota-dheer looga dooday shirka lagu waddo in uu ka furmo magaalada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka labada gobol iyo saamiga ay ku yeelan karto beesha, dhismaha maamulka labada gobol.

Dhinacyadii kala duwanaa ee ka hadlay kulanka, ayaa marka hore isku raacay muhiimada ay leedahay in la mideeyo aragtida iyo wada-jirka beesha, intaa kaddibna la baadi-goobo sidda ay hadalka u dhigeen xaqa ku leeyihiin maamulka la filayo in loo yagleelo labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Xaaji Maxamuud Gureey iyo Shiino Cabdullaahi Xusseen oo labadaba ka mid ah aqoon-yahannada beesha ayaa si gaar ah diirada u saaray qaab dhismeedka maamulka iyo sidda ay muhiim u tahay in beeluhu si siman u wadaagaan ka qeyb-galka nidaamka dhismaha, taas badalkeedana ay ku booriyay waxgaradka iyo odayaasha in ay marka hore mideeyaan aragtidooda ku aadan siyaasada dalka iyo ka qeyb-galka nidaamka federaalisamka.

Nabadoon Xuseen Maxamuud Maxamed (Dukaal) oo ah nabadoonka beesha ayaa HOL u sheegay in shirka uu ku saabsan yahay sidii beesha ay uga tashan laheyd saamiga ay ku yeelaneyso maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe islamarkana ay isku afgarteen waxgaradkii ka soo qeyb galay kulanka in la muujiyo midnimo

Magalaada Baladweyne ayaa waxaa ka socda shirar iyo kulamo gooni gooni ah oo beellaha dega gobolka Hiiraan ay ku lafa gurayan qabka ugu haboon ee loo wajihi karo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, inkastoo waxgaradka iyo odayaasha qaarkood qaacadeen ka qeyb-galka shirka Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya