11/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2016
Wasiirka Maaliyada oo soo dhaweeyey Ansixinta xubin ka noqoshada ururka Iskaashiga Islaamka


Axad, Feberaayo 07, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim [Fergeeti] ayaa soo dhaweeyay Ansixintii Barlamaanku uu ansixiyay hindisihii ay gudbisay wasaaradda maaliyadda ee ku aaddanaa xubin ka noqoshada hay’adda Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta ee ICD.

Fargeeti oo ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaannada Baarlamaanka, sida Wada-shaqayntu ku dheehan tahay ee ay u Ansixiyeen xubin ka noqoshada Hay’adda Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta.

“Hay’adda Is-kaashiga Islaamka iyo Dhiirri-galinta Ganacsiga; waxay u sahlaysaa Somalia inay fursado u helaan ilo dhaqaale oo dibadda uga yimaada; taasoo kor u qaadaysa wax soo saarka, waxayna siinaynsaa taageero Shirkadaha ku Hawlan Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexe. Waxaa kaloo ay dhiirri-galinaysaa hal-buurka ganacsiga iyo Tarntan sare u Qaadaya Ganacsiga gaarka loo leeyahay,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somalia.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Meel-marinta Heshiiska ICD wuxuu awood u siin doona Somalia in aan kor u qaadno ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu uga qayb-qaadaato shaqo abuurka gaar ahaan dhallinyarada shaqada doonka ah.”

Ugu dambeyn, Hay’adda Iskaashiga Islaamka iyo Horumarinta ganacsiga waxay taageertaa Waddamada Xubnaha ka ah; iyadoo ka caawisa inay Awood ahaan iyo Siyaasad ahaanba si ay u Horumariyaan dhiirri-galinta Ganacsiga Gaarka loo leeyahay, sidoo kale ICD ay kor u qaada asaaska, balaarinta iyo casriyeynta ganacsiga gaarka loo leeyahya; iyadoo u maraysa la talin dadka ku howlan iyo Dalalka xubnaha ka ah, waxaa kaloo ICD balaarisaa kaalmada la siinayo shirkadaha taasoo u sahli karta inay kor u qaadaan ganacsigooda khibrada ahaan, xirfad ahaan iyo si ay u helaan xiriiro Caalami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya