1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 5 , 2016
Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia oo lagu dilay qarax lagula beegsaday duleedka Mahadaay


Jimco, Feberaayo 05, 2016 (HOL) — Inta la ogyahay saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Millateriga Somalia ayaa lagu dilay, Afar Askari oo kalena way ku dhaawaacmeen, kaddib markii baabuurkii ay wateen qarax miino lagu eegtay dulleedka Degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka laga helayo Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Gaariga Ciidanku ay wateen oo ahaa kuwa dagaalka uu ku dul joogsaday miino waddada dhinaceeda lagu sii aasay, iyadoo gaarigana uu khasaare xooggan soo gaaray.

Askartii ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxaan ayaa markii hore la Gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Degmada Jowhar, inkastoo mar dambe oo maanta ah loosoo duuliyay Askartan uu dhaawucu soo gaareen magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Askarta ku dhintay Qaraxaan uu ahaa Sarkaal ka tirsanaa guutada koowaad ee ciidamada Millateriga Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin weli magaciisa iyo darajadiisa.

Qaraxan waxyeelladu kasoo gaaray askarta ka tirsan Ciidanka Dowladda Somalia ka tirsan, gaar ahaan kuwa millateriga ayaa imaanaya xilli maalin ka hor Xubno ka tirsan Al-shabaab oo Tiradoodu ahayd Siddeed lagu dilay Dulleedka Mahadaay, kaddib markii Kooxo dabley ah oo kasoo jeeda deegaanka ay wadaad u galeen gaari xoogaggan la socdeen.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa imaanaya xilli Amniga Degmada Jowhar aad loo adkeeya, Maadaama uu ka Furmay Shir la doonayo in Maamul-goboleed loogu Sameeyo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Inkastoo Shirkaas uu xilligan hadkad ku jiro, uuna khilaaf ka taagan yahay sii socoshadiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya