12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2016
Madax dhaqameedka Sool, Ceyn iyo Koonfurta Sanaag oo ka soo horjeestay hishiiskii Soomaliland iyo Khaatumo

Sabti, December, 31, 2016 (HOL) -Madaxda dhaqanka ee beelaha gobolada Sool, Koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle ayaa si buuxda uga hor yimid hishiiskii ay Somaliland iyo Khaatumo ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madax-dhaqameedkan oo maalmihii la soo dhaafay kulan uga socdey tuulada Cadcadka (Higlada) oo 40KM. bari uga aadan magaalada Laascaanood ayaa waxa ka qaygalay 8 madax dhaqameed iyo wakiilo kuwaa
oo ka soo horjeestay hishiiskii labada dhinaca wada gaadheen.

"Waxaanu Cadaynaynaa kulamadaas inaanaan ismo ahaan waxba ka ogayn, mar hadaan shacabka lagala tashan aanu sax ahayn,tallada dadkuna iyaga ayay ka go’daa" ayuu yiri Garaad Max’ed Cismaan Mashqare.

Garaadka oo saxaafadda u akhriyayay go'aamada ay wada gaareen ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay bulshada degaanadaas ay isugu imaan doonaan shirkii horey loogu baaqay ee Buuhoodle xiliga ay suurtagal noqoto ee abaarta jirta laga baxo.

Madax dhaqameedka halkaasi ku sugnaa ayaa waxay Midmid u xaqiijiyeen in ay isku raacsan yihiin go'aamada ay ka soo saareen maanta Higladda, waxaanay faahfaahin ku bixiyeen heshiiskaas Adisababa iyagoo xusay
inaanu ahayn mid cad oo la sharxi karo.

Kulankan ay madaxda dhaqanku yeesheen ayaa dhabarjab ku yahay mustaqbalka maamulka uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galayr oo beryihii u danbeeyey u sii janjeedhey sidii loo samayn lahaa isbahaysi
reer waqooyi ah.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood Gobolka Sool