1/3/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2016
Biyo yaraan laga soo sheegayo deegaano ka tirsan Koonfur galbeed Soomaaliya

Khamiis, December 29, 2016 [HOL]- Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dadka halkaa ku dhaqan soo food saartay biyo la'aan daran.

Dadka ka soo barakacay deegaannadan ay ka jiraan biyo la'aanta iyo baad yarida ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka oo intooda badan iska ahaa baara qodoto ayaan sanadkan helin wax miro ah oo uga soo go'ay beerahooda, taasoo keentay in ay soo food saarto xaalad adag oo dhinaca nolasha ah.

'Saddex sano waxba nooma bixin bakaarna waxba nooguma jiraan'' Sidaa ayay tiri haweeney ka mid ah barakaceyaashan gaaray Baydbabo.

Deegaanada Bakool ee biyo yaraanta saameysay ayaa waxaa ka mid ah Yeed, iyo deegaanno hoostaga oo dadku siweyn uga barakacyaan.

Ceelasha ayaa la sheegay in aad u biyo yareeyeen qaarkoodna wax biyo ah malaha, waxaana dhintay tiro badan oo xoolo ah, waxaana la leeyahay xitaa dadka ayaa geeri qarka u saaran.

Masuuliyiin ka soo jeeda gobolada Koofur galbeed ayaa ku baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka ay saameysay biyo la'aanta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]