10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2016
Kulan soo dhaweyn ah oo magaalada Muqdisho loogu qabtay Ilhaan Cumar

Khamiis, December, 22, 2016 (HOL) -  Kulan isugu jiray soo dhaweynta xildhibaanka ka tirsan gollaha wakiilada Minissota ee xisbiga Dimuquraadiga Ilhaan Cumar  iyo halka ay mareyso qoondada haweenka ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho.
 
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Dallada SOYDEN waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada aqal, ururada bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale ayaa ugu horeyn looga hadlay waxa ka suurtagalay qoondadkii ee 30% loo baahnaain ay ku yeeshaan baarlamaankan cusub.

Wasiirka wasaarada haweenka xukuumada Soomaaliya Sahro Cali Samatar ayaa siweyn ugu mahad celiysay dhamaanba intii gacan ka geystay in haweenku tiro fiican ku yeeshaan baarlamaanka marka loo eego tiradii
ay heleen sanadkii 2012.

Kulanka ayaa laga sheegay in haweenka Soomaaliyeed ilaa iyo hadda baarlamaanka ku leeyihiin 25%, oo ah tiro wanaagsan in kastoo wali qoondada haweenka intii la balanqaaday aysan gaarsiisneyn.

Waxaa kulanka sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii ku soo guuleystay doorashooyinkii ka dhacay gobolada dalka, iyaga oo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ku siisay.

Dhinaca kale, kulanka ayaa waxaa siweyn loogu mahad celiyay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka, waxaana lagu tilmaamay in Ilhaan tahay gabar dhalinyaro ah
oo magac u so jiitay umada Soomaaliyeed  gaar ahaan haweenka.

Ugu Dambeyn waxaa kulanka hadashay Ilhaan Cumar oo iyana dhawaan ku guuleysatay kursi ka mid ahaa kuraasta Minnesota gaar ahaan degmada 60-B , waxayna Ilhaan ku  dheeraatay Halgankii dheeraa ee ay u gashay
Kursigan.

" Kursiga waxaa ku fadhiyey Muddo 44 Sanno Haweeney waa adag tahay kursi sidaa ah in lagu guuleysto hase yeeshee Dadaal aan sameyney iyo isku duubnaan yaan ku gaarney in  ay ku guuleysto Kursigaa marka waa guul weyn oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka’’ayeey tiri Ilhaan Cumar.

Ugu danbeyntii, Ilhaan, ayaa maalintii shalay kulan kula qaadatay xarunta madaxtooyada madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]