4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia oo la geeyay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Waxaa Degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe gaaray ciidammo ka tirsan Booliiska Somalia oo sugi doona ammniga, gaar ahaan sidda ay saraakiisha hadalka u dhigeen madasha shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha ciidammadan hor kacaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taliska booliiska amar ku bixiyay in Ciidamadaan la geeyo Jowhar oo Qorshuhu yahay in mar kale uu dib uga Furmo Shirka maamul u sameynta labada gobol.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku Howlan sidii mar kale dib loogu furi lahaa Shirka, iyadoo aan maaro loo helin khilaafkii siyaasadeed ee markii horeba dib u dhigay qabsoomidiisa,

Sidoo kale, Shacabka reer Jowhar ayaa marar badan oo hore ku celceliyay in aysan Jecleysan mudda fog ee Shirku qaatay, Madaama wali ay jiraan Waddooyin muhiim ah oo Xiran iyo Goob aan la mari karin sababo la xiriira sugidda amniga halka shirka lagu qabanayo.

Ugu dambeyntii, Ciidamadaan Booliiska ah ee la geeyay Jowhar ayaa laga yaabaa in mar kale sare u qaadaan Niyadda shacabka ku dhaqan magaalada oo jeclaan lahaa in mar uun la soo afjaro dhismaha  maamulka labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya