4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Madaxweynaha Jubaland iyo Ergayga QM oo shir jaraa'id wadajir ugu Qabtay Kismaayo (SAWIRO)


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Madoobe iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa maanta si wadajir ah ugula hadlay saxaafada aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

Danjire Keating oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay ku hoyday Aqalka Martida, wuxuuna sheegay inuu la dhacay Horumarka muddada kooban ah ee uu ku tallaabsaday Maammulka Jubbaland.

“Iyadoo afar sanno oo keliya ay Al-shabaab ka maqan tahay Kismaaayo wuxuu maamulka Jubbaland oo isna jira Afar sannadood uu ku Tallaabasaday hormar aad u ballaaran oo dhinacyada nabadgalyada, maamulka iyo dib u dhis isugu jira,” ayuu yiri Danjire Keating.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada Xubnaha ka ah ayuu xusay inay kaalmo la garab taagan yihiin, wuxuuna xusay in in maamullada kale ee Somalia ka jira ay ku daydaan Jubbaland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in muddada uu halkaan joogay Michael Keating ay ka wada-hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiisanayd amniga, isagoo u rajeeyay Soomaaliya Amaan iyo Homar.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sugidda amniga guud ee waddanka, isla markaana loo midoobo la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya