3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
SAWIRO: Ugaas C/llaahi Ciise Nuur oo Aas aad u ballaadhan loogu sameeyay Deegaanka Boocame

Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Aas weyn ayaa loogu sameeyay Allaha u naxariistee Ugaas C/laahi Ciise Nuur Degmada Boocame oo 75-km Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Allaha u naxariistii Ugaaska oo ku geeriyooday dalka Turkiga ayaa maydkiisa laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Puntland, kaddib markii lasoo mariyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Aaska Ugaaska, ayaa waxaa ka qayb-galay wufuud kala duwan oo ka kala timid deegaannada looga hadlo Afka Soomaaliga oo u badnaa madax-dhaqameed, siyaasiyiin culumama’uddiin, waxgarad iyo dadweyne ayaa waxaa uu noqday Aaskii ugu ballaarnaa ee ka dhaca guud ahaan Gobolka Sool.

Sidoo kale, Salaadda Jinaasada, kaddib waxaa halkaas lagu qabtay kulan tacsiyeed ay ka hadleen madaxdii isugu timid Aaska, waxaana ugu horreyn hadlay xubno ka mid ah ehellada Ugaaska iyo Guddiga Qaban-qaabada Aaska oo ka mahad-celiyey masaafada dheer ee loosoo maray ka qayb-galka Aaska,  iyagoo ka cudur-daartay wixii dhaliil ah ee la tabto inaysan ku talo-gal ahayn.

Madax-dhaqankii Aaska ka hadlay waxaa u horreeyay, Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka warbixiyay Ugaaska iyo mudadii ay soo wada-shaqaynayeen, wuxuuna ka dalbaday inay samir yeeshaan ehellada iyo bulshadii uu ka baxay.

Waxaa kaloo xubnihii Aaska ka hadlay ka mid ahaa, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Ugaas Maxamuud Ugaas Maxamed, Suldaan Maxamuud Guule, kuwaas oo ka kala socday; Puntland, Somaliland iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya, iyagoo Dhamaantood tacsi u jeediyay ehelldii iyo bulshadii uu madax-dhaqameedka u ahaa.

Madaxwene ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cumar Cameey, Madaxwene ku xigeenka Khaatumo, Cabdalla Caga-lule iyo wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland - ayaa iyaguna ka Tacsiyeeyay Geerida Ugaaska.

Dhanka kale, Waxaa halkaas hadallo Qiiro leh kasoo jeediyay Aaska Ugaaska Boqor Burbaan Boqor Muuse oo ku baaqay dadku inaanay isku illaabin Addunyada, Samir Qaadashadana kula dar-daarmay.

Ugu dambeyn, Alle naxariistee Ugaas C/laahi Ciise ayaa ahaa nin aad looga jecel yahay gobolka Sool, waxaana si aad ah loogu ammaani jirey deg-dega uu ku tegi jiray meelaha dhibaatooyinku ka dhacaan, isla markaana uu adkaysi u lahaa wax walba oo soo gaara.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Lascaanood, Gobolka Sool













Click here
8/22/2016 3:14 PM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Waxaa Degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe gaaray ciidammo ka tirsan Booliiska Somalia oo sugi doona ammniga, gaar ahaan sidda ay saraakiisha hadalka u dhigeen madasha shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

8/22/2016 8:51 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Madoobe iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa maanta si wadajir ah ugula hadlay saxaafada aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

8/22/2016 5:17 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) —Fayisa Lilesa oo kamid ah ciyaartoyda dowladda Itoobiya uga qayb-galayay ciyaaraha olombikada adduunka ee Rio ayaa si la yaab leh u dabaal-degay ka dib markii u soo gaaray diilinta kama danbaysta ah ee orodka ,waxaana uu kor u taagay gacmihiisa isaga oo sawiraya calaamadda isku-talaabta ama (X)-ta.

8/22/2016 4:57 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

8/22/2016 3:59 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in sidii dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen Al-shabaab.

8/22/2016 3:49 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho kala soo daga Ganacsiyada kala duwan.

8/22/2016 3:38 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo.

8/22/2016 2:28 AM EST
Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo.

8/22/2016 1:59 AM EST
Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-Ciyaaraha olombikada ayaa lagu soo gabagabeeyay Brazil gaar ahaan magaalada Rio ayadoo lagu soo afmeeray xaflad si aad ah loo soo agaasimay.

8/22/2016 1:32 AM EST
Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa Daacish ku eedeeyay weerarkii qaraxa ee Sabtidii dalkaa ka dhacay inay ayadu ka dambeysay.