4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday meelihii qaraxa ee degmada Gaalkacyo (Sawirro)


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Ciidamada Ammaanka ayaa aad u sugaya amniga wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka tirsan wasiiradda iyo xildhibaanada Puntland, kuwaasoo shacabka Gaalkacyo kala qayb-qaadanaya aaska 25-kii qof ee ku geeriyooday Qaraxyadii shalay Al-shabaab gaalkacyo ay ku qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa markii uu gaaray Gaalkacyo, wuxuu ugu tagay booqasho dhawaacyadii qaraxyadii shalay, kuwaasoo lagu daweynayo haatan isbitaalka guud ee Magaalada, wuxuuna sheegay inay Qaadi doonaan dhaawacyada halista ah.

DHAGEYSO: Hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ka jeediyay Gaalkacyo:

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa in uu dib ugu soo laabto Puntland, kaddib shan maalmood oo uu maqnaa Itoobiya, halkaas oo madaxda dalkaas kala hadlay arrimo ay ugu mihiim-sanaayeen Ammaanka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn, Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo wararka aa helayno ay sheegayaan inay socadaan baaritaanno ay fulinayaan qaar ka mid ah ciidamada amniga Puntland oo u baadi-goobaya kooxihii ka dambeeyay weerarkii shalay.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya