4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
AXMED MADOOBE: Siyaasiyiintu waa u Diyaar-garoobaan La Dagaallanka Kooxda Al-shabaab


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in sidii dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen Al-shabaab.

Axmed Madoobe oo ka Hadlayay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in falkaas uu tusayo shacabka Soomaaliyeed inay Al-shabaab dan ka lahayn shacab iyo Dowladda, loona baahan yahay in la iska dhiciyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed aan loo baahnayn inay mar walba ka fikiraan danahooda, balse ay u is-taagaan sidii waddanka looga saari lahaa Al-shabaab.

“Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha loo soo jeesto in lala dagaallamo Al-shabaab, waad arkaysaan maalin walbo shacab waxa ku dhacaya. Waana inaad ka soo jeesataan meelaha kale ee aad Mashquulka ku tihiin oo lala Dagaallamo Al-shabaab,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa dhankiisa shalay sheegay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeynayso sidii ay dalka uga saari lahayd Al-shabaab, isagoo ku sheegay warbixin uu soo saaray in Al-shabaab ay dhibaato ku hayso shacabka.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli ay Al-shabaab Qaraxyo ka geysatay Magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ay ku dhinteen 23-qof dad ka badan, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya