4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
XEER-ILAALIYAHA GUUD: Ganacsadihii dalka keena wax dhacay kama baxsan doono Sharciga


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho kala soo daga Ganacsiyada kala duwan.

Dr. Daahir ayaa xusay inaan loo dulqaadan doonin ganacsato Soomaaliyeed oo dalka keena waxyaabo waqtigooda dhacay. Cid walbo oo wax dhacay kasoo dejisa Dekedda Muqdisho ayuu xusay inaanay ka baxsan doonin gacanta sharciga.

“Waxaan maqlayay ganacsato Soomalaiyeed oo  leh Quality Control lama sameyn karo, ma waxaad doonaysaan inaad wax dhacay ka ganacsataan. Waxaan wasiirka ganacasiga leeyahay waa inay fulaan Awaamirta Dowladda, Cid walbo oo dalka soo gelisa wax dhacay waxaan u sheegayaa inaysan ka baxsan doonin sharciga,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Dowladda Somalia ay Muqdisho kusoo bandhigtay dawooyin dhacay oo laga soo dejiyey Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya