4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Duqa Muqdisho oo ka jJawaabay ka bixiyay hadal kasoo yeeray Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka


Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kaararka Aqoonsiga aysan sharci-darro ahayn, isla markaana ay qayb ka yihiin hannaanka dowladnimada, Wuxuuna kusii daray hadalka inaysan jirin cid uu sharcigu meel ugu xiran yahay kaligeed.

“Kaararka Aqoonsiga waxay ka mid yihiin Hannaanka Dowladnimada waana sharci, Cid sharciga meel ugu xiran yahayna ma jirto, sharciga waa wax la wada leeyahay,” ayuu hadal ay caro ku jirto ku yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale ayaa intaa ku daray in kaararka aqoonsiga ay yihiin shaqo u taalla Dowladda Hoose, tasoo uu ku tilmaamay in baahi weyn loo qabo.

Dhanka kale, Hadalkan ayaa imaanaya xilli Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, Nuur Faarax Jimcaale uu shalay sharci-darro ku Tilmaamay kaararka Aqoonsiga, isagoo xusay dadka Soomaaliyeed aanay wada awoodin inay bixiyaan lacagta kaararka lagu goosanayo, isagoo xusay inuu horay amar uga soo saaray in la joojiyo xilligii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ahaa Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan].

Ugu dambeyn, Bishan Billowgeedii ayay ahayd markii taliska nabad-sugidda DFS uu amar ku bixiyay in la qaato kaararka aqoonsiga, taasoo ay ku xireen sugida amniga guud ee dalka iyo inuusan heli doonin qofkii aan kaar aqoosi ah lahayn adeegyada uu u baahan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya