4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka John Kerry oo maanta kulamo la leh madax Afrikaan ah

Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo.

John Kerry iyo Kenyatta ayaa lagu wadaa maanta inay shir ku qabtaan madaxtooyada ayagoo la filaayo inay ka wada hadlaan arimaha ammaanka ee gobolka iyo doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Kenya.

Sidoo kale ayaa waxaa lagu wadaa in Kerry uu la kulmo Waziirada Kenya u Qaabilsan Arimaha Dibada Aaamina Maxamed iyo waziiro kale oo dawlada Kenya ka tirsan.

Arimaha la lafo guri doono ayaa waxaa kujira colaadaha hareeyay dalka curdanka ah ee Koofurta Suudaan iyo kala guurka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

War saxaafadeed ay soo saartay haweeneyda ah Kaaliyaha Xog-hayaha Amuuraha Afrika ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in  Kerry uu booqasho ku kala bixin doonto  Kenya iyo Nigeria min Agoosto 21 ilaa 28.

Waxaa kaloo lagu sheegay war murtiyeedkaa in Kerry uu la kulmi doono dhallinyaro Afrikaan oo ah hoggaamiyeyaal soo koraaya.

Inkastoo aanan weli la caddeyn waxyaabaha kale ee lagu soo qaadi karo wada hadalada waxaa ku jira xiritaanka la hadal hayo ee xeryaha Dhadhaab iyo sidii AMISOM looga dhigi lahaa ciidamo hoos taga QM.

Wuxuu kaloo sida lagu wado la kulmi doonaa wasiirada amuuraha dibada ee sideed dal oo Afrikaan ah.

Kani waa safarkii labaad ee Kerry uu ku yimaado Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi. Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sidoo kale halkaan yimid.

Isniinta maanta ah ayaa Kerry wuxuu kulan la qaadan doonaa sida warar dheeraad ah aanu ku helnay waziiro ka socda Kenya, Uganda, Tanzania, Koofurta Suudaan, Suudaan, Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba Jabuuti.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Caasimada Kenya ee Nairobi.