Isniin, August 15, 2016 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa war qoraal ah oo goor-dhaw kasoo baxay waxaa lagu mamnuucay Shirarka iyo Kulammada ka dhaca Hoteellada iyo Baararka magaalada Beledweyne ee aan maamulka lagu soo wargalin.
Amarkaan oo noqonaya mid kusoo beegmay xili bilihii ugu dambeeyayba gobolka ka dhacayeen kulamo iyo shirar siyaasadeed oo intooda badan looga soo horjeedo qorshe howlleedka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa qoraalka lagu sheegay in laamaha ammniga arintan lagu wargaliyay.
Wareegtadan, ka soo baxday maamulka ayaa siddoo kale lagu sheegay in cid kasta oo amarkan ka hor-timaada ay mudan doonto xarig iyo ganaax adag, waxaana ku saxiixnaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected] Beledweyne, Soomaaliya