Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Sweden oo Taageertay Shirka Dib-u-heshiisiinta G/Hiiraan (Sawirro)
Isniin, 04 April 2016(HOL) Waxaa galabta (shalay galab ) lagu
qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden xaflad balaaran oo ay ka soo
qeybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm. Waxaan xafladdaas
soo qaban qaabiyey jaalidda reer Hiiraan ee dalka Sweden gaar ahaan magaalada
Stockholm. Xafladdaas waxaa lagu taageerayey shirka dib-u-heshiisiinta ee
maanta ka furmay magaalada Beled-Weyne ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Shirkaas oo ay ku baaqeen ayna qabteen duubabka gobolka Hiiraan.
Waxaa xafladdaas ka soo qeyb galay dad weyne aad u badan
iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin odayaasha, culumada,
madax-dhaqameeyada, siyaasiyiinta, haweenka,
dhallinyarada, iyo aqoonyahannada ku nool magaalada Stockholm, iyo qaar
kale oo ka kala yimid magaalooyinka kale ee dalka Sweden.
Waxaa shirkaasi ka hadlay dad aad u badan oo isugu jira
odayaal, dumar, dhalinyaro, siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo iyo aqoonyahanno.
Waxaana sidoo kale qadka telefoonka ku soo hadlay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
isaga oo jooga magaalada Beled-Weyne, wuxuuna dadkii xafladda ka soo qeyb galay
uu uga mahadceliyey taageeradooda shirka maanta furmay. Wuxuu sidoo kale Ugaas
Xasan u sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed ujeeddada shirka gobolka Hiiraan iyo in
ay rabaan in shirkaasi Hiiraan kadib ay u gudbi doonaan Shir
dib-u-heshiisiineey oo dhamaan Soomaalida oo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed iyo
bayaan loogu talo galay in la gaarsiiyo guud ahaan Soomaalida iyo weliba
dowladda Soomaaliyeed, kaaso o ahaa:
1.
In la taageero shirka dib-u-heshiisiinta
gobolka Hiiraan ee maanta ka furmay magaalada Beled-Weyne.
2.
In la taageero shir kasta oo dib-u-heshiisiineed
oo ka jira ama ka furmi doona meel walba oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
3.
In dowladda Soomaaliyeed ay shacabka iyo
duubabka dhaqanka ay u fududeyso shirarkooda dib-u-heshiisiinta oo ay ku
doonaayaan in ay qeyb kaga qaataan dib u soo noqoshada nabadda dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxa ay xafladdii taageerada duubabka
gobolka Hiiraan ee magaalada Stockholm ku soo dhammaatay jawi aad u deggan.