1/4/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2016
Dowladda FS oo sheegtay in Ciidamada DF ay ku Lug lahaayeen Dilka Sarkaal Al-shabaab ahaa


Sabti, Abriil 02, 2016 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga Soomaaliya, Jen. Cali Baashi Maxamed Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl-gal ay ka qayb-qaateen ciidamada komaandoosta Soomaaliya oo taageero ka helayay kuwa Mareykanka, kaasoo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Jen. Cali Baashi ayaa sheegay in hawl-galkani ka dhacay deegaan Toora-toorow ku dhow, laguna dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Amniyaadka Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray, Xasan Cali Dhoorre, muddana ay ku raad-joogeen.

“Hawl-galkaas, waxaa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka, wuxuu ka dhacay agagaarka Toora-toorow, qofka lagu dilayna wuxuu ahaa mid aan baadi-goob ku haynay,” ayuu yiri Jen. Cali Baashi.

Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa xusay in Mareykanka iyo Somalia uu Sarkaalkaas la dilay bartilmaameed u ahaa, isla markaana uu ka mid ahaa xubnaha ugu sarreeya Amniyaadka Al-shabaab ee fuliya Qaraxyada iyo toogashooyinka.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, ayaa intaas ku daray in weerarradan ay sii socon doonaan, ayna ciidamada kumaandoosta Somalia ka go’an tahay inay mar walba fuliyaan weerraro joogto ah, iyagoo helaya macluumaad, sahansanaya ama kor ka ilaashanaya.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen hawlgal ay ka fuliyeen Somalia, kaasoo ay ku sheegeen magaciisa Xasan Cali Dhoorre.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya