10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 4 , 2016
Sanad-guuradii Aasaaska Galmudug oo xalay looga dabaal-dagay Minnesota (SAWIRRO+VIDEO)
Axad, September 04, 2016 (HOL) — Sanad-guuraddii koowaad ee kasoo Wareegtay markii dhidibada loo aasay maamul-goboleedka Galmudug ee Somalia ayaa xalay laga xusay dalka Mareykanka, gaar ahaan Gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota.

Munaasabad si weyn loo soo qaban-qaabiyey oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo Soomaali ah ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Furitaanka munaasibada dabaal-degga ayaa waxaa hadallo ka jeediyey siyaasiin, waxgarad iyo xubno kale oo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda, kuwaas oo ku dheeraaday Aas-aaska iyo horumarada kala gadisan ee maamulkaas, sida dhismeyaasha, dhaqdhaqaaqayada siyaasada haatan halka ay kaga jirto Galmudud iyo waliba halka ay hiigsanayaan.

Cabdi Xaashi Cabdi, oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee Gobolka Minnesota oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dadkii hoolka soo buux dhaafiyey, isagoona ka sheekeeyay jaaliyad ahaan waxay uga dhigan tahay sanad-guuradda Galmudug.

“Jaaliyad ahaan waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa sanad-guuradda Galmudug, waana midda caawa aan halkaan u soo buux-dhaafinay,”  ayuu yiri Cabdi Xaashi. Isagoo intaasi ku daray in ay jaaliyad ahaan ka go’aan tahay in ay qeyb ka qaataan horumarka dhinacyada badan ee ka soconaya dalka, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay dib ugu celiyaan aqoon iyo maalgelin intaba. Sidoo kale, dadkii munaasibadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdikariim Axmed Daahir, oo ka mid ah aqoon-yahanada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, isla markaana ka mid ahaa dadkii soo shaqeeyey qaban-qaabadda munaasibaddaan, isagoo shacabka reer Galmudug ugu hambalyey sanad guuradda ka soo wareegtay xiligii la dhisay maamulkooda.

C/kariim ayaa ka codsaday Jaaliyada Galmudug ee qurbaha in ay ka qeybqaataan horumarka dalkooda, isamarkaana ay isku xirnaan dhexdooda ah muujiyaan.

Munaasabada oo ay ka hadleen dad aad u fara badan ayaa waxaa sidoo kale dadkii ka hadlay ka mid ahaa Sen. John Hoffman oo ka mid ah Aqalka odayaasha Gobolka Minnesota, isla markaana laga soo doorto sadex magaalo, isagoo ugu hambalyey Galmudug sanad-guurada aas-aaska maamulkooda.

Guud ahaan dadkii madashaan ka hadlay ayaa waxaa ay ka mideysnaayeen aragtida ah in la helo jaaliyad guud oo Soomaaliyeed oo isku xiran, kuwaasi oo si wadajir ah uga shaqeeya danaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Ugu dambeyn, Munaasabadda oo ahayd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo aad cajab-geliyay Dadkii ka soo Qayb-galay, sida waxyaabo muujinaya dhaqanka Soomaalidu caanka ku tahay iyo suugaanta Qaybaheeda kala gedisan, iyadoo kooxda Taleex Band oo ay ka dhex-muuqdeen fanaaniinta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, kuwooda ugu Caansan ay ku soo bandhigeen heeso Waddani u badnaa iyo kuwo qaarkood lagu ammaanayey Galmudug.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota