Dibadbax looga Horjeedo sheegashada Kenya ee Badda Somalia oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]
Arbaco, September 21, 2016 (HOL) —
Dibadbax ballaaran oo looga horjeedo sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso qayb ka
mid ah badweynta Somalia, laguna taageerayay dadaallada Dowladda Federaalka Somalia
ee ku wajahan dacwadda badda ee ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Netherland
ayaa ka dhacay maanta Muqdisho.
Banaanbaxa oo ay soo
abaabushay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qayb-galay Boqollaal ruux oo
ku Qaylinayay erayo ka dhan ah sheegashada Kenya ee Badda Somalia, waxayna
dadkan mareen qayb ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Muqdisho.
“Waxaan maanta u taagannahay
Qorraxda oo aan u dibadbaxayno waa inaan Dunida Tusno in Badaha iyo Barriga
Soomaaliya aysan jirin cid qaadan karta ama iibsan karta. Dhulka Somalia waa
hanti Qaran mana jirto cid laga yeelanyo inay taako ka mid ah qaadato,” ayay
yiraahdeen qaar ka mi ah Dibad-baxayaasha oo la hadlayay Warbaahinta.
Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana la hadlay Dibad-baxayasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Soomaaliya, isla markaana
aysan shacabka Soomaaliyeed marna Aqbali doonin Damaca Guracan ee Kenya ku
dooneyso qayb ka mid ah biyo-badeedka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay in Natiijo Dhaxal-gal ah ay kasoo baxdo Dacwadda la
xiriirta badda ee iminka ka socota Maxkamadda Caddaalada QM ee Hague, taasoo u
dhaxeeya Somalia iyo Kenya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya