Goobta waxaa ka hadlay Macallin Maxamed Cabdi Macalim oo ah isku-xiraha iskuulada ku yaalla degmada Kaxd, wuxuuna u mahad-celiyay maamulka iyo shaqaalaha Amal bank oo isku hoolay ka farxinta agoonta Soomaaliyeed gaar ahaan qayb ka mid ah agoonta ku nool degamada Kaxda.
Sidoo kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay madaxa hormarinta iyo ganacsiga Bangiga Amal qaybtiisa Muqdishu, waxa uuna u mahad celiyay Maclimiinta iyo Dadwaynha ku nool degmada Kaxda oo kala qayb qaatay barnaamijka ciidinta agootaas.
Lacagaha agoonta looga farxiyay ayaa waxaa iska aruuriyay Shaqaalaha Shirkada AMAL ee Magaalada Muqdisho, waxaayna ugu tala galeyn in caruurtaasi agoonta ah Munaasada ciida farxadeeda ay la qeyb sadaan asaagooda kale.
Qaar ka maid ah Aqoontii la siiyey Deeqdaas ayaa u mahadceliyey Shaqaalaha Bangiga Amal waxayna ilaah ugu baryeen in uu ugu bedlo mid ka khayr badan waxayna ka codsadeen in ay halkaas ka sii wadaan deeqaha Noocaan oo kale sidoo Kale waxay u soo jeediyeey Ganacsatada kale in ay ku daaydaan Shaqaalaha Amal Bank.
Ugu dambeyn,eBangiga Amal ayaa xiliyadan dambe ku hoolanaa sidii uu u hormarin lahaa adeegyada bangi ee uu u hayo bulshada Soomaaliyeed, 2 September, 2016 ayay xiligii lagu dhawaaqay in bangigu uu soo kordhiyay adeegyo cusub oo aan hore arag sida adeegyada POS iyo Online Banking iyo kuwa kale oo dhamaan ku cusub Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya





