10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2016
Dawlada Kenya oo adkeyneysa ammaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya

Waziirka Kenya u qaabilsan arimaha gudaha Joseph Nkaissery


Khamiis, Oktober 27, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeyso tillaabooyin lagu adkeynayo xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan gaar ahaan dhanka gobolka Waqooyi-bari.

Dawlada Kenya ayaa go'aansatay arinkaa kadib weerar labo cisho ka hor ka dhacay magaalada xadka ku taala ee Mandheera. Weerarkaa ayaa waxaa soo qaaday dabley loo maleeyay Al-Shabaab waxaana lagu dilay ugu yaraan 12 qof.

Sidoo kale ayaa horraantii bishaan waxaa isla magaaladaa lagu dilay 6 qof.

Waziirka Kenya u qaabilsan arimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa Arbacadii shalay ahayd sheegay in KDF ayadoo la adeegsanayo la dhisi doono cutub u xilsaaran xaqiijinta ammaanka xadka si Al-Shabaab aysan inta xadka ka soo tillaabto weeraro uga geysan gudaha Kenya.

"Waxaanu ka shaqeyneynaa saacad kasta inaan qaadno tillaabooyin muhiim ah oo lagu xaqiijinaayo in muwaadiniinta qeyb kasta oo dalka ah ay ammaan iyo badbaado helaan." Nkaissery ayaa sidaa yiri.

Nkaissery ayaa intaa ku daray in haatan askar badan oo boolis ah la hawl galiyay si ay u ugaarsadaan dadkii fuliyay weerarkii habeynkii Salaasada ee aanu soo dhaafnay.

Dhawaan ayaa madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Samson Mwathethe uu sheegay in ciidamo militari ah oo dheeraad ah la geeyay xadka Kenya iyo Soomaaliya dhammaantii; waa min Mandera ilaa Lamu.

Xarakada Al-Shabaab ayaa Kenya kusoo qaadeysay weeraro lagasoo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF ay galeen Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]